Axmed Karaash oo sheegay in uu u taagan yahay xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland
January 5, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Mid ka mid ah Madaxweynayaashii Maamulka Khaatumo Axmed Cilmi Cismaan (Ahmed Karaash) ayaa maanta magalada Garowe kaga dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxwayne ku xigeenka dowlada Puntland
Siyaasi Axmed Cilmi Cismaan ayaa xaflad uu ku qabatay Hotel New Rays ee magaalada Garoowe wuxuu si rasmi ah u shaaciyey in uu u taagan yahay xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland waxaana kulanka ka soo qeyb galay Siyaasiyiin, Ganacsato, waxgarad, haween iyo dhalinyaro taageersan Siyaasi Axmed Cilmi Cismaan (Ahmed Karaash) Madaxweynihii hore ee Maamulka Khaatumo
Siyaasi Axmed Garaash ayaa khudbad kooban uu ka jeediyey xaflada waxaa uu u mahad celiyey dhamaan dadkii soo dhaweeyey isaga oo rajo weyn ka muujiyey in uu ku guuleysan doono xilka madaxwayne ku xigeenka
Siyaasi Axmed Garaash ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka Puntland in ay ka shaqeeyaan Midnimada ayna ku faro adeygaan amaanka ka jira deegaanada Puntland
Axmed Cilmi Cismaan (Ahmed Karaash) ayaa horey u ahaa wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland ka hor inta aan xilka laga qaadin oo uusan ka qeyb galin dhismihii Maamulka Khaatumo kaas lagu dhisay magaalada Taleex.
Dhinaca kale waxaa isana isku soo taagay xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ee Puntland Eng.Maxamuud Caydiid Dirir oo ka mid ah wasiiradii ugu cadcadaa xukuumada xiligeeda sii dhamaanayo ee Puntland
M_M Deeq
Halgan.net