Axmed Karaash oo sheegay in uu u taagan yahay xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland

January 5, 2014 - Written by Editor

Karaash1Garoowe:-Mid ka mid ah Madaxweynayaashii Maamulka Khaatumo Axmed Cilmi Cismaan (Ahmed Karaash) ayaa maanta  magalada Garowe kaga dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxwayne ku xigeenka dowlada Puntland

Siyaasi Axmed Cilmi Cismaan  ayaa xaflad uu ku qabatay Hotel New Rays ee magaalada Garoowe wuxuu si rasmi ah u shaaciyey in uu u taagan yahay xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland waxaana kulanka ka soo qeyb galay  Siyaasiyiin, Ganacsato, waxgarad, haween iyo dhalinyaro taageersan Siyaasi  Axmed Cilmi Cismaan (Ahmed Karaash) Madaxweynihii hore ee Maamulka Khaatumo

Siyaasi Axmed Garaash ayaa khudbad kooban uu ka jeediyey xaflada waxaa uu u mahad celiyey dhamaan dadkii soo dhaweeyey isaga oo rajo weyn ka muujiyey in uu ku guuleysan doono xilka madaxwayne ku xigeenka

Siyaasi Axmed Garaash  ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka Puntland in ay ka shaqeeyaan Midnimada ayna ku faro adeygaan amaanka ka jira deegaanada Puntland

Axmed Cilmi Cismaan (Ahmed Karaash)  ayaa horey u ahaa wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland ka hor inta aan xilka laga qaadin oo uusan ka qeyb galin dhismihii Maamulka Khaatumo kaas lagu dhisay magaalada Taleex.

Dhinaca kale waxaa isana isku soo taagay xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ee Puntland Eng.Maxamuud Caydiid Dirir oo ka mid ah wasiiradii ugu cadcadaa xukuumada xiligeeda sii dhamaanayo ee Puntland

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online