Baarlamaanka DFS oo oggolaaday cosdi uga yimid Ra’isul wasaare Cabdiweli

January 11, 2014 - Written by Editor

xilkXildhibaannada federaalka Soomaaliya, oo maanta isugu yimid kulan ay uga doodayeen codsi uga yimid ra’isul wasaare Cabdiwali Sh. Axmed, oo uu uga dalbanayey in la siiyo 10 maalmood oo dheeri ah oo uu ku soo magacaabo golaha wasiirrada, ayaa ugu dambeyn cod aqlabiyad ah ku aqbalay codsigaas.

Fadiga baarlamaanka ee maanta, oo uu shir guddoominayey guddoomiye Maxamed Cismaan Jawaari, ayaa waxaa xildhibaannada la siiyey fursad ay uga doodaan codsiga ra’isul wasaaraha, iyadoo markii dambe cod loo qaaday, kaasoo leysku raacay in 10 ka maalmood ee uu ra’isul wasaaruhu soo codsaday la siiyo.

Qaar ka mid ah xildhibaannada ayaa sheegay in dhisidda xukuumadda ay caqabad ku yihiin ururka Damul-jadiid oo la sheego iney awood ku leeyihiin madaxtooyada.

Ugu dambeyntii: waxaa muuqaneysa in ra’isul wasaaraha uu haysto culeys badan oo uga imaanaya beelaha Soomaaliyeed ee dowladdu ku dhisan tahay, waxaana la filayaa muddada loo qabtay inuu ku soo magacaabi doono golaha wasiirrada ee laga dowrayo.

Halgan.net/Somalireal
Muqdisho

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online