Booqashadaydii taariikhiga ahayd ee Buuhoodle Sh Axmed Cabdisamad.[Masawiro]
January 22, 2014 - Written by Editor
Dhinaca shaqooyinka iyo waxa noo qabsoomay marka dhinac la iska dhigo waxaa aniga si gaara ii saameeyay, xusuusna igu reebay isku duubnida, hanweynida iyo waxqabadka la taaban karo ee magaaladu ku tillaabsatay gaar ahaan arrimaha bulshada oo waxbarashadu ugu horrayso.
no images were found
Dhinac kale aniga oo magaalada xiiso hore u qabay, kuna cusbaa waxaa si gaara ii saameeyey dadka qiimaha leh oo rag iyo dumarba isugu jira ee aan magaalada ku bartay iyo sida qiimaha badan ee ay noosoo dhaweeyeen, noona maamuuseen.
Waxaan doonayey inaan shakhsi ahaan u diyaariyo warbixinta booqashada; si aan ugu muujiyo dareenkayga laakiin Dr. C/shaafi oo qalinkiisu dhaqso badan yahay ayaa si qorxoon usoo bandhigay oo aan uga kaaftoomayaa.
Gabagabadii booqashadaani waxay isku mar ii furtay albaabka Buuhoodle iyo quluubta ehelkeeda, asxaabtayda aan magaaladaan iyo dadkeeda aragna aan farta ugu fiiqo inay xiriir dhow la yeeshaan.
Sh.Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com