Booqashadaydii taariikhiga ahayd ee Buuhoodle Sh Axmed Cabdisamad.[Masawiro]

January 22, 2014 - Written by Editor
DSC01162Buuhoodle:-Waxay ahayd markii iigu horaysay ee aan tago magaalada taariikhiga ah ee Buuhoodle aniga oo xiiso badan u qaba magaalada iyo ehelkeedaba oo aan asxaab iyo axbaab badan ku lahaa. Booqashadaan oo ay igu weheliyeen Sh. Axmed Maxamed Suleymaan iyo Sh. Maxamuud Salaad Warsame oo labaduba dacwada gobolka taariikh dheer ku leh ujeedda deedu waxay ahayd inaan kormeerno mu’assasadaha dacwada iyo kuwa tacliinta, sida: iskoolada, macaahida iyo jaamacada, isla markaasna aan culumada iyo ducaadda gobolka la wadaagno xog iyo afkaar khusaysa arrimaha dacwada, tacliinta iyo islaaxint bulshada.
Dhinaca shaqooyinka iyo waxa noo qabsoomay marka dhinac la iska dhigo waxaa aniga si gaara ii saameeyay, xusuusna igu reebay isku duubnida, hanweynida iyo waxqabadka la taaban karo ee magaaladu ku tillaabsatay gaar ahaan arrimaha bulshada oo waxbarashadu ugu horrayso.

no images were found

Dhinac kale aniga oo magaalada xiiso hore u qabay, kuna cusbaa waxaa si gaara ii saameeyey dadka qiimaha leh oo rag iyo dumarba isugu jira ee aan magaalada ku bartay iyo sida qiimaha badan ee ay noosoo dhaweeyeen, noona maamuuseen.
Waxaan doonayey inaan shakhsi ahaan u diyaariyo warbixinta booqashada; si aan ugu muujiyo dareenkayga laakiin Dr. C/shaafi oo qalinkiisu dhaqso badan yahay ayaa si qorxoon usoo bandhigay oo aan uga kaaftoomayaa.
Gabagabadii booqashadaani waxay isku mar ii furtay albaabka Buuhoodle iyo quluubta ehelkeeda, asxaabtayda aan magaaladaan iyo dadkeeda aragna aan farta ugu fiiqo inay xiriir dhow la yeeshaan.
Sh.Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online