Ciidamada AMISOM oo ishortaag ku sameeyey shir ka socday xarunta ADC ee Baydhabo
January 30, 2014 - Written by EditorBaydhabo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay, ayaa sheegaya in maanta ciidamada AMISOM ay ishor istaag ku sameeyeen waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka oo shir uga socday magaalada Baydhabo kaas oo laga hadlayo maamul usameynta 6 gobal ee Koonfurta dalka Soomaaliya.
Ciidamada AMISOM ee ku suganaa xarunta ADC ee Magaalada Baydhabo ayaa udiiday inay saaka dadka gudaha ay u galaan xarunta waxaana arinkaas ka dhashay buuq iyada oo markii danbe uu banaanbax ka dhacay magaalada Baydhabo
Ciidamada AMISOM ayaa markii uu batay buuqa waxaa ay isaga tageen xarunta shirka ee ADC, waxaan haatan ku sugan Odayaasha dhaqanka iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, amaanka xarunta ayaa waxaa ilaalinaya ciidamo ka tirsan Maamulka Degmada Baydhabo.
Qaar ka mid ah xildhibaanada DFS ayaa ka hadlay is hortaaga ay ciidamada AMISOM saaka ku sameeyeen odayaasha dhaqan waxaana ay arinkaas ku tilmaameen mid aad looga xumaado .Madaxada DFS ayaan ilaa haatan wax war ah ka soo saarin dhaqaaqada ka dhacaday saaka xarunta ADC.
A/Cawale
Halgan.net