Ciidamada AMISOM oo ishortaag ku sameeyey shir ka socday xarunta ADC ee Baydhabo

January 30, 2014 - Written by Editor

baydhaboBaydhabo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay, ayaa sheegaya in maanta ciidamada AMISOM ay ishor istaag ku sameeyeen waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka oo shir uga socday magaalada Baydhabo kaas oo laga hadlayo maamul usameynta 6 gobal ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM ee ku suganaa xarunta ADC ee Magaalada Baydhabo ayaa udiiday inay saaka dadka gudaha ay u galaan xarunta waxaana arinkaas ka dhashay buuq iyada oo markii danbe uu banaanbax ka dhacay magaalada Baydhabo

Ciidamada AMISOM ayaa markii uu batay buuqa waxaa ay isaga tageen xarunta shirka ee ADC, waxaan haatan  ku sugan Odayaasha dhaqanka iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, amaanka xarunta ayaa waxaa ilaalinaya ciidamo ka tirsan Maamulka Degmada Baydhabo.

Qaar ka mid ah xildhibaanada DFS ayaa ka hadlay is hortaaga ay ciidamada AMISOM saaka ku sameeyeen odayaasha dhaqan waxaana ay arinkaas ku tilmaameen mid aad looga xumaado .Madaxada DFS ayaan ilaa haatan wax war ah ka soo saarin dhaqaaqada ka dhacaday saaka xarunta ADC.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online