Ciidamada Daraawiishta Puntland oo saaka duulaan ku qaaday Buuraha Galgala (Dhageyso)
January 25, 2014 - Written by EditorBoosaaso :-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in ciidamada Daraawiishta ee Puntland ay saaka weerar ku qaadeen Buuraleyd Golis qeybo ka mid ah halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayeen Al-Shabaab
Dagaalka saaka ayaa waxaa uu qarxay markii ciidamo ka yimid gobalka Heylaan iyo kuwa ka yimid Boosaaso ay howlgalo ka bilaabeen deegaano ku xeeran Buuraleyda Golis.
Sii hayaha Xilka Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ciidanka Daraawiishta ay jab xoogan u geysteen kuwa Al-Shabaab wuxuuna sheegay in hal askari uu dagaalka uga dhintay
Madaxweynaha dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay ka sheegay xafladii Caleemasaarka in dowladiisa ay la dagaalami doonto kooxada Al-Shabaab iyo Burcad Badeeda.
Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka dileen 3 askari ayna dhaawaceen 7 kale wuxuuna intaas ku daray in howlgalada ay wili socdaan ilaa haatan.
Warar ay si hoose u heshay Halgan.net ayaa sheegaya in ciidanka Puntland ay saaka la wareegeen deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab
Ilaa haatan ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Ururka Al-Shabaab oo ku aadan dagaalada saaka ka dhacay Buuraleyda Galgala.
Hoos Ka Dhageyso Sii hayaha Xilka Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo ka hadlay duulaan ay ciidanka Puntland ku qaadeen Buuraleyda Galgala.
Wixii war ah ee soo kordha kala soco Halgan.net
M_M Deeq
Halgan.net