Ciidamada Daraawiishta Puntland oo saaka duulaan ku qaaday Buuraha Galgala (Dhageyso)

January 25, 2014 - Written by Editor

KhaliifBoosaaso :-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in ciidamada Daraawiishta ee Puntland ay saaka weerar ku qaadeen Buuraleyd Golis qeybo ka mid ah halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayeen Al-Shabaab

Dagaalka saaka ayaa waxaa uu qarxay markii ciidamo ka yimid gobalka Heylaan iyo kuwa ka yimid Boosaaso ay howlgalo ka bilaabeen deegaano ku xeeran Buuraleyda Golis.

Sii hayaha Xilka Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ciidanka Daraawiishta ay jab xoogan u geysteen kuwa Al-Shabaab wuxuuna sheegay in hal askari uu dagaalka uga dhintay

Madaxweynaha dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay ka sheegay xafladii Caleemasaarka in dowladiisa ay la dagaalami doonto kooxada Al-Shabaab iyo Burcad Badeeda.

Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka dileen 3 askari ayna dhaawaceen 7 kale wuxuuna intaas ku daray in howlgalada ay wili socdaan ilaa haatan.

Warar ay si hoose u heshay Halgan.net ayaa sheegaya in ciidanka Puntland ay saaka la wareegeen deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Ilaa haatan ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Ururka Al-Shabaab oo ku aadan dagaalada saaka ka dhacay Buuraleyda Galgala.

Hoos Ka Dhageyso Sii hayaha Xilka Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan  oo ka hadlay duulaan ay ciidanka Puntland  ku qaadeen Buuraleyda Galgala.

Wixii war ah ee soo kordha kala soco Halgan.net

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online