Ciidanka Puntland oo ku baxay gacan u dhiigle dil ka geystay Garoowe.[Dhagayso]

January 30, 2014 - Written by Editor

2Garoowe:-Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Qarjab oo waraysi gaar ah siiyey Radio Daljir ayaa sheegay in ciidan wata ilaa labo gaadiid oo kuwa dagaalka ah ay ku baxeen nin gacan ku dhiigle ah oo 27 bishaan ku dilay gudaha magaalada Garoowe Nabadoon Maxamuud Maxamed Faarax Garawaan Xamari oo ahaa Nabadoonkii guud ee beesha reer Xassan ee beesha (Leelkase) ee Nugaal.

Gacan ku dhiiglaha ayaa waxaa la sheegayaa in markii uu dilkan geystay uu u baxsaday dhinac Miyiga ee Gobolka Nugaal halkaas oo ciidan gaaraya ilaa 40 askari wata labo gaadiid oo kuwa dagaalka ah ay ku baxeen si ay u soo qabtaan iyadoo arrinkaas ay gacan ka siinayaa odayaasha dhaqanka.

Maamulka Gobolka Nugaal ayaa waxaa uu Shir kula yeeshay magaalada Garoowe labada beelaha ee walaalaha ah ee ay colaado iyo dhibku kala gaaray waxaan dhamaan waxgaradkii labada beel isku raaceen in laga shaqeeyo nabadgelyada iyo in ciidanka gacan lagu siiyo cid falalka danbiyeedka gacanta kula jira.

Issimada , Cuqaasha, iyo culimada ayaa waxaa ay ku guulaysteen in nabadgelyada dhinceeda laga shaqeeyo qofkii dil geystayna si deg deg ah loo soo qabto lana mariyo waajibkiisa.

Hoos ka Dhagayso waraysiga Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Qarjab

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online