Dagaaladii u dhaxeeyey kooxaha Kacdoonka ka wada dalka Suuriya oo wili socda

January 6, 2014 - Written by Editor

SyriaWararka ka imaanaya dalka Suuriya ayaa sheegay in ay weli socdaa iska horimaadkii iyo dagaalka u dhexeeya kooxihii dagaalka kula jiray ciidanka Suuriya gaar ahaan Jabhadda dowladda Islaamka iyo Shaam oo ah farac ka tirsan ururka Al-qaacid iyo Jabhadda Islaamiga ee Suuriya oo ay ku midoobeen kooxo dhowr ah.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegayaa in uu ka dhashay dil ay askar ka tirsan Jabhada Dowadda Ciraaq iyo shaam oo ah farac ka tirsan ururka Al-qaacid ay u geysteen Dr. Xassaan Xamuud oo ahaa Dhaqtar laga yaqaan magaalada Xalab ka dib 20 maalmood oo ay afuub u haysteen. Waxaa kale oo jiray dilala dhowr ah oo loo geystay saraakiil ka tirsan kooxaha kale duwan ee ka dagaalamaya Suuriya arrintaas oo lagu eedeeyey in ay ka danbeeyeen Jabhadda Dowaldda Ciraaq iyo Shaam.

Jabhada Dowadda Ciraaq iyo shaam ayaa eed taas la mid ah u jeedisay kooxaha ka dagaalamay Suuriya kuwaas oo ay ku tilmaameen in ay yihiin kooxo la abuuray  si ay u wiiqaan awoodooda ciidankooda, Dagaalka xooggiisa ayaa ka dhashay ka dib markii la isku qabtay cidda maamulaysa xadka u dhexeeya dalka Suuriya iyo Turkiga .

Wararka ka imaanay dalka Suuriya ayaa ah mid aan farax gelinaynin shacabka dalka Suuriya iyo Muslimiinta  taageersanaa in xukunka laga tuuro dowladda Suuriya ee uu hogaamiyo Bashaar Al-Asad iyo kooxaha Shiicada ah ee gacan saarka la ah ee taageerada ka hella dowadda IRAN.

Dagaalka ka dhex socoda kooxaha kacdoonta ee dagaalka kula jiray dowladda Suuriya ayaa waxaa laga cabsi qabaa in gabi ahaanba ay ka faa’iidaystaan kooxaha Cilmaaniyiinta ah oo iyagu ka soo horjeeda in shareecada Islaamka lagu dhaqo dalka Suuriya. Waxaa sidoo kale  xusid mudan in dowladda Iran iyo dowladdaha kale ee dariska la ah Suuriya ay ka faa’iidaysan doonaa khilaafka iyo dagaalka ka dhex socda kooxah hubeysan ee ka dagaalamaya Suuriya.

Wararka kale duwan oo ay qorayaan warbaahinta kooxaha dagaalka kula jira Jabhadda Dowladda Ciraaq iyo Shaam ayaa qoraya in ay dileen hogaamiyihii labaan ee Jabhadda Dowladda Ciraaq iyo Shaam Abu Bakar Ciraaq Shaa’ib ayna ku dileen degaanka Tala’rafac walow aysan arrinkaas ka hadal Jabhadda Dowladda Ciraaq iyo Shaam.

Jabhadda Dowladda Ciraaq iyo Shaam ayaa waxaa la sheegay in ay ciidankooda kala baxeen dhowr degaan oo ay ku sugnaayeen ka dib markii ciidamo ka tirsan Jabhadda Islaamiga ee Suuriya ay hareereeyeen gaar ahaan deegaanada kala ah Adlab, Dan’aa

Muuqaalkaan waxaa lagu faafiyey Muntadayaatka kooxaha kacdoonka ka wada  dalka Suuriya

Hoos ka eeg Taqriika ay ka diyaarisay Al.Jazeera.net

Dhinac kale waxaa jira in ciidamo ka tirsan Jabhadda Dowladda Ciraaq iyo Shaam ayaa markii ay soo baxday warar ka sheegay in la dilay hogaamiyihii 2aad ee Jabhadooda ay la beegsadeen gaari walxaha qarax laga soo buuxiyey ciidamo ka tirsan Jabhadda Islaamiga ee Suuriya oo saarnaa gaari waxaan ku dhintay weerarka  ilaa 14 askari.

Waxaa kale bayaan ka soo baxay Jabhadda Islaamiga ee Suuriya lagu xusay in aan la dili karin ama aan waxba la gaarsiin karin dhalinyarad Muhaajiriinta ah ee aan u dhalan Suuriya iyo cid walba oo isku dhiibta Ciidanka Jabhada Islaamiga ee Suuriya qofkii ama kooxdii arrinkaas khiaaftan waxaa la marsiinayaa ciqaan adag bayaanka ayaa waxaa lagu xusay in qofkii aan dagaalka socda aan qayb ka ahayn aan lagu xadgudbi karin dhiigiisa maalkiisa iyo sharaftiisa.

Hoos ka eeg Bayaanka looga hadlay Muhaajiriinta ee ay soo saareen Jabhada Islaamiga ee Suuriya

no images were found


Ciidanka Jabhada Islaamiga ee Suuriya ayaa waxaa ay ka kooban tahay dhowr kooxood oo midoobay kuwaas oo dagaal kula jiray ciidanka Suuriya waxaan ay kooxaan ay abuur meen markii kacdoonka uu ka bilaaw day dalka Suuriya.
Hoosk ka eeg kooxaha ku midoobay Jabhadda Islaamiga ee Suuriya

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online