Dr Ayman Al-Dawaahirii oo soo diray Qeylo dhaan ku socota kooxaha dalka Suuriya.(Dhageyso)

January 23, 2014 - Written by Editor

Ayman-Al-Zawahir1Suuriya:-Sh Dr Ayman Al-Dawaahiri hogaamiyaha Ururka Al-Qacida ayaa mar kale waxaa uu soo diray qeylo dhaan ku socota kooxaha Jihaadka ka wada dalka Suuriya isaga oo ugu baaqay in joojiyeen dagaalka dhexdooda ah.

Dr Ayman Al-Dawaahiri ayaa sheegay in dhamaan kooxaha ka dagaalama dalka Suuriya ay yihiin Muslimiin aysana marna aqbali doonin in lagu tuuro gaalnimo iyo rido taas oo ay dhaqan ka dhigteen kooxda Daacish oo baneystay dhiiga Muslimiinta waxaana ay dil iyo jirdil u geystay qaar ka mid ah saraakiisha hogaanka u hayey kooxaha Mujaahidiinta ee dalka Suuriya.

Sh Dr.Ayman Al-Dawaahiri ayaa sidoo kale sheegay in ay aad uga caloolxumaadeen dhamaan Muslimiinta dagaalka ka dhex aloosan kooxaha Mujaahidiinta xili kooxaha Shiicada iyo gaalo oo dhan ay u mideysan yihiin in ay fashiliyaan Mashruuca Islaamka ee ka soo ifaya Shaam.

Sh Dr Ayman Al-Dawaahiri ayaa sidoo kale sheegay in aysan aqbali dooni in koox kaliya ay talada Shaam Maroorsato oo dadka reer Shaam qasabto wuxuuna reer Shaam ugu baaqay in ay cida ay rabaan oo diinta iyo Shareecaa oogeysa ay doortaan

Sh Dr Ayman Al-Dawaahiri ayaa sidoo kale u soo jeediyey kooxaha dalka Suuriya in ay sameystaan Maxkamad Sharci ah oo kala saarta dhamaan eedeymaha ay kala tirsanayaan kooxaha Mujaahidiinta ah .

Ma aha markii ugu horeysay oo uu baaq iyo talooyin soo diro Dr Ayman Al-Dawaahiri waxaana uu horey talooyin u siiyey kooxaha Daacish iyo Jabhada Al-Nusra waxaana diiday talooyinkii Dr Ayman Amiirka kooxda Daacish Abu Bakar Al-Baqdaadi isaga oo sheegay in uu ku heysto Sh Ayman Dawaahiri talooyinkiisa qaladaad Sharci ah iyo mid Manhaji ah Halkan ka Eeg

Culumada iyo Ducaada Caalamka Islaamka iyo Hogaanka Mujaahidiinta Shaam ayaa horey baaqyo ugu soo jeediyey kooxda Daacish balse waxay jawaabtoodii noqotay in ay gawaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ku weeraraan xarumaha Mujaahidiinta ayna dhibaato ka abuuraan deegaanada laga saaray ciidamada Dowlada Suuriya iyo Xisbu Sheydhaan.

Waxaa sidoo kale la yaab ah in Warbaahinta taageerta Kooxada Daacish ay saxawaat iyo Murtadiin ku tilmaamaan kooxa kale ee Mujaahidiinta mararka qaarna ay leeyihiin dagaalka ka dhexsocda kooxaha Suuriya waa dagaal Fitno xili Hogaankii Al-Qacida uu leeyahay waa Muslimiin dagaalka ka socda Suuriyana uu ku tilmaamay mid fitno ah oo ay dan ugu jirto gaalada .waxaana ka mid ahaa hadalada Dr Ayman ” يا أهل الشام نحن نعتبركم جميعاً إخواناً لنا في الإسلام وهي أقوى من كل الروابط التنظيمية الزائلة فوحدتكم تعلو فوق العصبية الحزبية” .

Hoos ka Dhageyso Baaqii Labaad Ee uu Soo Diray Dr Ayman Al-Dawaahiri

Hogaanka kooxda Daacish ayaa ku tilmaamay Mujaahidiinta kooxaha kale in ay yihiin Murtadiin iyo saxwaat ayna leyndoonaan waxaana ku faafiyeen mareegahooda Muuqaal laga soo duubay Abu Cumar Al-Shiishaani oo leh kooxaha ka soo horjeeda Daacish waa Saxwaat iyo khawana .

Hoos ka Daawa Muuqaal laga soo duubay  Abu Cumar Al-Shiishaani oo ka mid ah saraakiisha ugu sareysa kooxda Daacish

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online