Sh Ayman Al-Dawaahiri iyo jawaabii laga bixiyey talooyinkiisii W/Q C/casiis Maxamed

January 11, 2014 - Written by Editor

Ayman-Al-ZawahirSuuriya:-Culumada iyo Ducaada caalamka ayaa si taxadar leh uga hadlay dagaalada ka dhex socda kooxada Daacish (Dowlada islaamiga Ee Ciraaq iyo Shaam) iyo kooxaha kale ee Jihaadka ka wada dalka Suuriya. Dagaalada haatan ka socda dalka Suuriya ee u dhexeeya kooxaha Jihaadka ka wada dalka Suuriya ayaa waxaa in badan ka digay culumada dunida Islaamka waxayna talooyin wax ku ool ah siiyeen dhamaan kooxaha Jihaadka ka wada dalka Suuriya waxaana u danbeeyey Bayaankii ay shalay soo saareen culumo gaareysa 41 Caalim.

Halkan Ka Akhris Bayaan ay ka soo saareen qaar ka mid ah culumada Islaamka dagaalka fitanta ah ee ka socda dalka Suuriya.

Hogaamiyaha Ururka Al-Qaacida Dr Ayman Al-Dawaahiri ayaa ka mid ah raga talooyin siiyey kooxaha kacdoonka ka wada dalka Suuriya waxaana uu si gaar ah u siiyey Jabhadda Dowladda Islaamiga Ciraaq iyo Shaam iyo Jabhadda Nusra oo sheegay in ay ku fikir yihiin Ururka Al-Qaacida ka dib markii Abu Bakar Al-Baqaadi uu sheegay in kooxda Al-Nusra ay hoos timaado Dowladda islaamiga ee Ciraaq iyo Shaam.

Hoos ka Dhageyso Talooyinka uu siiyey Dr Ayman Ururka Daacish iyo Jabada Al-Nusra ee ku fikirka ah Al-Qaacida

Talooyinkii uu soo jeediyey Dr Ayman Al-Dawaahiri waxaa gaashaanka ku dhuftay oo ka horyimid Ururka Dowladda islaamka ee Ciraaq iyo Shaam waxaana diidmada ay ka timid Hogaamiyahooda Abu Bakar Al-Baqdaadi.

Haddii aan ku hormaro siddii looga jawaabay talooyinkii uu soo jeediyey Dr Ayman Dawaahiri waxaa diiday baaqii uu soo jeediyey Amiirka Dowladda Islaamka ee Ciraaq iyo Shaam Abu Bakar Al- Baqdaadi isaga oo fariin cod ah uu leeyahay lagu faafiyey Mareegaha taageera Al-Qacida si cadna u diiday waxaana fariintiisa loogu magac daray (الدولة الإسلامية بالعراق والشام باقية ).

Hoos Ka Dhageyso ka Abu Bakar Al-Baqdaadi


Waxaa saaxada Muntadayaadka si weyn uga muuqda risaalooyinka ay qolo walba rabto in ay mowqifkooda ku soo bandhigto ama ku difaacdo waxaana ugu hormarin doonaa Risaalo lagu radiyey Hogaamiyaha ururka Al-qaacid Dr Ayman Dawaahiri waxaana Risaalada qoray الزبيدي الشامي waxaana uu risaalada uu ku radiyey Dr Ayman dawaahiri u bixiyey الدكتور أيمن الظواهري … بين منهجين.

Wadaadka Risaalada ku radinaya Dr Ayman Dawaahiri ayaa waxaa uu hadalkiisa ku bilaabay bacda furfurasho iyo mahad naq alle ka dib.

بعد أن لاحظنا أن الدكتور أيمن الظواهري يركز في جميع خطاباته على حاكمية الشريعة ولايذكر حاكمية الله تعالى التي تعني تحكيم الله عز وجل في كل ما دق وجل من حياتنا , رأينا أنه من الواجب علينا توضيح هذا المنهج الذي بدأ يتسرب للفكر الجهادي وخاصة بعد رحيل الشيخ أسامة بن لادن رحمه الله , ولولا صمت العلماء وطلاب العلم عن هذا المنهج لما تجرأنا على الخوض في هذا البحر المتلاطم الأمواج وخاصة أن بضاعتنا في العلم قليلة ولكن خوفنا وحرصنا على الجهاد وأهله , وأن لا يطغى المنهج التجميعي على منهج التميز والنقاء , ومنهج السكوت على المشركين على منهج مفاصلتهم , خاصة أن تحكيم الشريعة فرع من الأصل العظيم الذي هو التوحيد , كل هذا أوجب علينا بيان الانحرافات في كلمات الدكتور أيمن الظواهري التي تهمل جانب التوحيد كثيرا وتركز على الإلتقاء مع الديمقراطيين وتصفهم بإخوة المنهج والعقيدة , وخاصة أن التوحيد هو الأصل فنحن لا ندع الأصل الذي هو التوحيد ونميعه حتى نحصل على الفرع الذي هو الشريعة ونطبقه , ونسأل الله الثبات والسداد لنا ولجميع الموحدين

Waa eedeyn aad u culus oo loo soo jeediyey Dr Ayman Al-Dawaahiri waxaana lagu eedeeyey in uu si kooban uga hadlayo Xaakimiyada ama in xukunka alle leeyahay gaar ahaan Tashriica iyo xukun dajinta balse uu ka gaabiyey in Xukunka alle uu saameynayo dhamaan nolasha qofka Muslinka ah oo dhan, waxaana uu ka digay wadaadka risaalada qoray in ay is dhex galaan ama uu awood yeesho Manhaj cid walba Ururuusada oo waasiciya ah halka laga rabay Manhaj ka dhex baxa Mushrikiinta oo saafi ah!.

Wadaadka radinaya Dr Ayman Dawaahiri wuxuu intaas ka dib aad ugu dheeraaday Dimiquraadiyada iyo xukun keeda iyo cida qaadata waxaana uu soo naqliyey aqwaal culumo oo kale duwan oo ay ka mid yihiin aqwaal uu lee yahay Dr Ayman gaar ahaan Kitaabkiis (الحصاد المر ). Risaalada laga qoray Dr Ayman Dawaahiri ayaa waxay daba joogtaa kulamo ay Musasada Al-Saxaab la yeelatay Dr Ayman dawaahiri waxaana uu cinwaankeeda ahaa (رسائل الأمل والبشر لأهلنا في مصر iyo رسائل التأييد والتثبيت لأهل مصر).

Qodobada uu ku heysto الزبيدي الشامي Dr Ayman Waxaa ka mid ah:-

1-Taageeradii uu Dr Ayman Taageeray Kacdoonadii ka dhacay wadamada Carbeed gaar ahaan Masar .
2-Mowqifka Dr Ayman Ee Ikhwaanka iyo Madaxweyne Maxamed Mursi
3-Masar uu diiday in uu yahay dhul dagaal xiligan
4-Mowqifka Dr Ayman ee Salafiyiinta Masar gaar ahaan Xaazim Salaax Abu Ismail
5-Mowqifka Cilmaaniyiinta ,Dastuurka iyo Maxkamadaha Ee Dr Ayman
6-Mowqifka doorashooyinkii Masar ee Dr Ayman
7-Mowqifka Aqbaadha /Gaalada Masar ee Dr Ayman
8-Mowqifka Dr Ayman Ee Xarakada Nahdha Ee dalka Tunisiya
9-Mowqifka Dr Ayman Ee Jihaadka Shaam
10-Mowfika Dr Ayman Ee Caamada Shiicada
11-Mowqifka Dr Ayman Ee Askarta Masar xukunkooda
12-Mowqif Dr Ayman Ururada Xamaas iyo Fatax ee Falastiin

Wadaadka Risaalada ku radiyey Dr Ayman ayaa waxaa uu ku socdaa Manhajkii ay Madaxda ururka Al-Qaacida ku tarbiyeysay taageerayaasheeda oo ahaa in cidii aad is khilaaftaanba aan waxba loo reeban oo hadalkiisa lagu xambaaro dhinaca ugu adag . Dr Ayman Dawaahiri waxaa uu leeyahay Risaalooyin badan oo si cad u cadeynaya Manhajkiisa iyo afkaartiisa waxaana haatan ay mareysaa in isagii faraqa lagu dhagan yahay .

Halkan ka Akhriso Risaalada lagu radiyey Dr Ayman Al-Dawaahiri ( الدكتور أيمن  الظواهري … بين منهجين الزبيدي الشامي )

Muntadayaadka taageera Al-Qacida ayaa waxaa ka socda dood aad u kulul oo u dhaxeysa culumadii qulaada ahayd iyo ardaydii ay manhajka Takfiiriga ku tarbiyeeyeen waxaana garan kartaa halka xadgudubka diineed uu marayo markaad aragto in la gaaleysiiyo Al-Qacida, Dhaalibaan, Xamaas ,Ikhwaan muslimiin, Xisbulcadaala Maqrib ,Turkiya iyo ururka Al-Nahda ee Tunis iyada oo rag badan ay qaateen Fikirkii Takfiirka balse huwan Shaar Mujaahidiin waxaana tusaale kuugu filan Sheekh عبد الرحمن بن طلاع المخلف oo ka mida culumada Manbar Al-Tawxiid Waljihaad ee uu gacanata ku hayo Abu Maxamed Maqdasi wuxuna AlMukhlif uu ku leeyahay Safxad gaar ah  quluwi giisa wadaadkan waxaad ku ogaan kartaa markaad dhageysato Cajal uu leeyahay oo la yiraahdo كفريات تنظيم القاعدة Hoos ka Dhageyso .

Wadaadka sidaan ugu dhagan Al-Qacida iyo Amiirka Ururka Dhaalibaan Mulla Cumar Xafidahulaah ayaa wuxuu safxad gaar ah ku leeyaha Mareegta Manbar Al- Tawxiid oo uu maamulo Abu Maxamed Maqdasi Halkan Ka Eeg. Waxaa ka mid ah ragga maanta laga cabaadayo ee qulaada Takfiirka ah rag saaxada Jihaadka buuxiyey risaalooyin kala duwan qoray waxaana ka tilmaami karaa.

1-أبو سعد العاملي waxaana ka mid ah hadaladiisa Takfiiriga ah mar uu ka hadlayey xukuumada Xamaas ee uu madaxda u yahay Sheekh Ismail Hunaya. .حكومة حماس مرتدة بسبب امتناعها عن تطبيق شرع الله ومحاربتها وقتلها لمن ينادي بذلك Waxaa kale oo ka mid ah hadladiisa mar uu ka hadlayey Ururka Xamaas ee falastiin iyo askartooda. ((فحكم الله في حماس [ قيادة وجنوداً ] أنهم فئة مرتدة عن دين الله – أحب من أحب وكره من كره

Wadaadkan sidaa Takfiiriga u ah waxaa uu ka mid yahay wax ku qora ama saxfad gaar ah ku leh Mareegta Manbar Al-Tawxiid ee Abu Maxamed Maqdarsi Halkaan ka eeg safxada أبو سعد العاملي  Qofkii doonaya in uu ogaado sida sahlan ee uu Wadaad kan Xamaas u gaaleysiiyey ha akhristo Risaaladiisa uu cinwaan uga dhigay تفنيد من نفى الكفر عن حكومة حماس بالتأويل. Halkan Ka Akhriso Risaalada uu ku gaaleysiinayo Abu sacad Al-Caamili Ururka Xamaas

Waxaa sidoo kale jira rag badan oo muntadayaadka ka buuxiyey Risaalooyin ay ku gaaleysiinayaan Jamaacaadka Islaamka iyo qaar ka mid ah culumada dunida Islaamka waxaana ka xusi karaa.

1-Abu Axmed Al-Masri
2-Ibu Xamza Al-Muhaajir
3-C/raxmaan ibnu dhalaac Al-Mukhlif (Abu Maryama)
4- Dr .C/casiis Al-Shariif oo loo yaqaan Dr.Fadli.
5-Abu Usama Al-Qariib ee leh qorma yar oo la yiraahdo(هل تكون مكة دار الكفر)
6-Dr. Haani Subaaci oo leh muxaadar uu uga hadlay Xamaas iyo Ra’iisul wasaarahooda Sheekh Ismail Hunaya waxaana uu gaaleysiinayaa Ururka Xamaas isaga oo xitaa diidaya in loo duceeyo Hoos Ka Dhageyso


Qormada tan ku xigta ayaan waxaan uga hadli doonaa Inshalaah talooyin ay soo jeediyeen Sh Abu Fataada Al-Falastiini iyo Sh Abu Maamed Al-Maqdasi iyo sida looga diiday oo ay radiyeen kooxda Daacish ee haatan laga wada qeylinayo.

W/Q C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online