Dr.Saadiq Eenow oo ka tanaasulay u tartanka xilka Madaxweynanimada Puntland

January 6, 2014 - Written by Editor

drsaaiqGaroowe:-Dr.Saadiq Eenow oo ka mid ahaa murashaxiinta u taagan xilka madaxtinimadda Puntland ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Garoowe waxaa uu ku sheegay in uu ka tanaasulay in uu u tartamo xilka madaxweynanimada Puntland isagoo cadeeyey in uusan jir qof uu u tanaasulay balse arrimo Private ah uu u tanaasulay.

Murashax Dr.Saadiq Eenow oo ka mid ah aqoon yahanay soomaaliyeed ee ku nool Puntland ayaa waxaa uu baaq u diray dhamaan Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Puntland waxaan uu ugu baaqay in ay ka fogaadaan in damiirkooda ay ku badashaan lacago laaluush ah ayna ka doortaan in ay ka fakaraan danta guud ee bulshada.

Murashax Dr.Saadiq Eenow  ayaa sheegay in siyaasadu tahay mid sidda banaaniga oo kale ah oo marna guusha la hello marna la waayo sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa ayuu yiri musharaxiinta in qofkii laga guulaysto uu aqbalo natiijada soo baxda isagoo dhamaan musharaxiinta u rajeeyey guul.

Dr.Saadiq Eenow  ayaa xusay in ay muhiim tahay in qofka ku soo baxa xilka madaxweynanimada Puntland laga doonayo labo arrimood oo kala ah:

1. In uu dhiso Maxkamadii sare ee Puntland saddexda bilood ee ugu horaysa.

2.In ururdda Siyaasada lagu hirgelyo saddexda bilood ee ugu horaysa.

Dr.Saadiq Eenow  ayaa ka codsaday gudiga doorashada Puntland in 2-daas arrimood laga saxiixo Murashax kasta inta doorashadu aysan bilaaban, Dr.Saadiq Eenow  ayaa dhamaan bulshada reer Puntland gaar ahaan Xildhibaanada ugu baaqay in ay doortaan shaqsi hogaamin kara Puntland 5 sanno ee soo socota.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online