Duqeyn ka dhacday degaan u dhexeeya Sablaale iyo Baraawe

January 26, 2014 - Written by Editor

diyaarad-dhacdayBaraawe:-Wararka naga soo gaaraya Koonfurta Soomaaliya  gaar ahaan Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in ay ka dhacday duqayn loo geystay gaadiid kolonyo ah oo  marayey inta u dhexeysa degmooyinka Sablaale iyo Baraawe oo ka wada tirsan gobolka Shabeelada Hoose.

Duqeyntaan ayaa waxaa la sheegayaa in ay fuliyeen diyaarad aan duuliyuhu wadin (Drone) waxaana duqeynta ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Warar hordhac ah oo aan weli la hubin ayaa sheegay in weerarka galabta uu ka dhacay meel u dhexeysa tuulada loo yaqaan Far-Janno iyo Sablaale ee gobolka Sh/Hoose.

Gaadiidka la weeraray ayaa waxaa la sheegayaa in ay ahaayeen 2 ilaa 3 gaari balse waxaa diyaaradu bartilmaamsatay sidda ay soo warinayaan dad goob joogayaal ah markii hore gaarigii uu saarnaa Axmed C/Qaadir C/llaahi [Sahal -Isku dhuuq ama Camuu] oo ahaa Madaxii waaxda caafimaadka ee ururka Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegay in weerar uu sidoo kale uu ku dhintay darawalkii gaariga u waday Axmed C/qaadir C/llaahi oo lagu magacaabi jiray Maxamed C/laahi, Masuulka weerarka lala eegtay ayaa waxaa uu ahaa ragga aadka ugu dhawaa markii hore  hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.

Ilaa hadda madaxda ururka Al-shabaab kama aysan hadal weerarka dhinac cirka ah ee lagu weeraray Sarkaal ka tirsanaa ururkooda, sidoo kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinac Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan weerarka ka dhacay Shabeelaha Hoose.

Ma ah markii ugu horaysay oo weeraro dhinac cirka ah ay ka dhacaan deegaano ay maamulaan  ururka Al-shabaab oo khasaaro iskugu jirta dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartay Saraakiil ka tirsan ururka Al-shabaab.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online