Guddiga Doorashada Puntland oo soo afmeeraya qabashada Araajida Musharaxiinta

January 6, 2014 - Written by Editor

Saadiq-Abshir-4Garoowe:-Guddiga doorashada Puntland oo maanta soo afmeeraya is diiwaan-gelinta musharixiinta Puntland ee u taagan in ay qabtaan xilka madaxweynaha iyo Madaxweyne  ku xigeenka Puntland .

Doorashada  xilka madaxweynaha iyo Madaxweyne  ku xigeenka Puntland ayaa waxaa ay ka dhici doontaa Puntland magaalada Garoowe 8 bishan 2014 waxayna hoolka golaha shacabka waxayna bilaaban doontaa saacadu marka ay tahay 8:00 subaxnimo .

Guddiga doorashada Puntland ayaa hore u shaaciyey shuruudaha iyo araajida wakhtiga la qabanayo waxaana ka socda maanta xafiiska gudiga doorasha Puntland isdiiwaan galin qaar ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo Madaxweyne  ku xigeenka Puntland .

Ilaa iyo haatan waxaa is diiwaan galiyey oo buuxiyey araajida doorashada musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynenimada Puntland

1-Dr C/raxmaaan Maxamed Faroole
2-Prof. Cabdi Weli Maxamed Gaas
3-Dr.Cali Xaji Warsame
4-Shire Xaaji Faarax

Waxaa sidoo kale xilka Madaxweynenimada Puntland ka haray

1-Cabdirisaaq Nuur Calluula
2-Dr.Saadiq Eenow
3-Dr.Yaasiin Faarax Cartan
4-Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab.
5-Cali Xaaji Dhagoole
6-Cabdiraxmaan Gablax
7-Xaji Maxamed Yaasiin
8-Cabdulaahi Daahir Maxamuud Afqurac.

Dhinaca kale xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa waxaa u tartamaya musharaxiinta kala ah
1-Jen Cabdi Samed Cali Shire
2-Axmed Cilmi Cismaan Karaash
3-Eng Maxamuud Caydiid Dirir

Doorashada ka dhacaysa Puntland 8 bishan ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona wakiilo ka socda QM ,IGAD iyo wakiilo kale oo ka socda beesha Caalamka.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online