Golaha Wasiirada ee DFS kulankii ugu horeeyey ku yeeshay Muqdisho

January 23, 2014 - Written by Editor

IMG_2360Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyay kulankii ugu horeeyey ee ay yeeshaan xubnaha golaha Wasiirada ee shalay la dhaariyay, waxaana kulankan diirada lagu saaray qaabka ugu haboon ee ay golaha Wasiiradu ula wareegi lahaayeen Xafiisyada Wasaaraddahooda.

Kulankan ayaa markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta la hadlay R’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, isaga oo xusay in kulankan uu yahay kulankii ugu horeeyey ee uu la yeesho xubnaha Golaha Wasiirada ee cusub, isla markaana ay kala warqaateen.

Waxaa Alle mahadii ah inaan maanta yeelanay kulankii ugu horeeyey kadib markii shalay la dhaariyay, waxaana ka wadahadalnay arrimo dhowr ah oo ay ugu horeysay sidii ay Wasiiradu ula wareegi lahaayeen xafiisyada Wasaaradahooda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo xusay in muddo 5 cisho ah ay qaadan doonto kala wareegida xafiisyada iyo xilalka.

no images were found

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa sidoo kale xusay in golaha Wasiiradu ay isla soo qaadeen xaaladda amniga ee dalka, ayna gaareen go’aano lagu horumarinayo sugida amniga iyada oo laga ambaqaadayo baahida deg deg ah ee jirta.

Garad Salad Hersi
Senior Press officer,
PM office

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online