Guddiga Amniga Doorashada Puntland oo soo saaray warsaxaafadeed.[Cod/Masawiro]

January 6, 2014 - Written by Editor

1Garoowe:-Waxaa saaka shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Puntland ahna Taliyaha amniga doorashada Gen. Siciid Maxamed Xirsi, Siciid Dheere isagoo ka warbixiyey qaabka loo sugayo amaanka guud ee Puntland gaar ahaan magaalada Garoowe oo ay ka dhacayso doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland 8.01.2014.

Shirka jaraa’id ee uu qabtay Taliyaha amniga dorashooyinka Puntland Gen Siciid dheere ayaa waxaa ku weheliyey wasiirka amniga ee Puntland Gen.Khaliif Ciise Mudan iyo taliyaasha ciidanka Badda , madaxtooyada , Booliska  iyo daraawiishata.Warsaxaafeedka ka soo baxay  Guddiga Amniga Doorashada Puntland ayaa waxaa uu u qornaa sida tan:-

no images were found

Guddiga Amniga Doorashada Puntland  Warsaxaafadeed
Garoowe, January 6, 2014 xaaladda guud ee Puntland waa sugan tahay inshaa allah , Waxqabadkii wajiga labaad wuxuu noogu dhamaaday si wanaagsan waxaana u mahad celinaynaa ciddii gacan ka geysatay sida Ciidamada Aminga oo shaqa wayn qabtay, Dad weynaha reer Puntland iyo Door-ka Beesha Caalamaka, taasoo noo suura galisay in lagaaro guula waa weyn.

Haddaba  Waxaan halkaan ku soo gudbinaynaa Qorshaha iyo Howlgalka Wajiga 3aad ee ugu dambeeyey  sugidda amniga doorashada.

Hanaanka loo shaqaynayo 6 ilaa 8 January 2014

Guddiga amniga doorashadu markii ay fariisteen, kana baaraan dageen hawsha culus ee hortaala,  waxay go’aamiyeen arrimaha soo socda:-

XIRITAANKA BARAHA LAGA HAWLGALAYA

1. Maalinta doorashada waxaa wadada laamiga ah laga xirayaa Galbeedka UN-ka (Guriga Abshir Cumar Huruuse ilaa barxadda weyn ee magaalada Garoowe.

2. Gaadiidka laga celiyey wadada laamiga ee ka yimaada galbeedka wuxuu ka leexanayaa wadada  Hoteel Meeraysane, sidoo kale gaadiidka ka imaanaya bariga waxaa laga leexinayaa wada Shiikh C/qaadir oo marta injida waxayna ku dhacayaan wadada 30ka.

3. Waxaa reeban maalintaas dhaq dhaqaaqa iyo isu socodka dadka, inta u dhaxaysa baraha kor ku xusan oo ah laga bilaabo barxadda ilaa Un-ka guriga Abshir Cumar Huruuse.

4. Waxaa la joojiyey maalinta doorashada isu socodka gaadiidka dalka oo dhan laga bilaabo saacaddu markay tahay 18:00 Jan 7, 2014 ilaa 18:00 Jan 8, 2014. Waxaa jiri doonta baro loo cayimay in lagaga dago gaadiidka iyo baro la dhigi doono gaadiidka (barking).

Guud ahaan waxaa reeban in gaari soo dhaafo baraha kantaroolada ee la ciyimay waxaan ka ahayn ciidamada ku jira hawlgalka, Waxaa kale oo reeban maalintaas in lala dhexmaro magaalada dhexdeeda istaaf masuul kasta ha watee.
Waxaa la diyaariyey maxkamadda ciidamada qalabka sida si ay u qaado kiisaska dhaca xilliga doorashooyinka oo ay ugu qaado wixii fal dambiyeed gala dawlad iyo shacaba. Istaafyada murashaxiinta waxay ku ekaanayaan meelo loo xadiday.

Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan xildhibaanada, murashaxiinta, goobjogayaasha iyo cid kasta oo lagu casumay hoolka doorashadu ka dhacayso inay baabuurtooda kaga degaan kana soo lugeeyaan meelaha loo cayimay, waxaana diyaar ugu ah s/kiisha soo dhaweynta qaabilsan.

Waajibaadka ciidanka amniga goobta doorashada

Waxaa reeban inay cidi lasoo gasho dhamaan hub, qalabka isgaarsiinta, electronic iyo ulo,  wixii aan ka ahayn ciidanka amniga ee hoolka. Waxaa reeban in wax gaadiid ah la dhigo wadada laamiga ah hareeraheeda laga bilaabo barxadda ila degaanka Un-ka.

Hoos ka Dhagayso shir jaraa’id oo uu garoowe ku qabtay Taliyaha amniga doorashooyinka Puntland Gen.Siciid Dheere

WABILAAHI TOWFIIQ

Guddiga Amniga Doorashada. PL

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online