Guddoomiyaha gobolka Banaadir Tarzan oo diiday xil xalay loo magacaabay.[Dhagayso]

January 17, 2014 - Written by Editor

tarzannMuqdisho:-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in uusan diyaar u ahayn in uu qayb ka noqdo Golaha wasiirada ee xalay uu magacaabay Ra’iisul wsaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) ayaa sheegay in xalay 2:00AM uu saxaafadda ka maqlay magaciisa oo khaldan loona magacaabay Wasiir ku xigeenka Ciyaaraha & Dhalinyarada arrinkaas oo wax tashi ah aan lagala samaynin.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) ayaa uga mahad celiyey Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha xilka ay u magacaabeen balse waxaa uu sheegay in uusan diyaar u ahayn in uu wax xil ah ka qabto xukuumada cusub.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa saxaafada ay  aad u hadal haysay in xilka laga qaadi doono lamana yaqaan in xilka Wasiirk ku xigeenka ee loo magacaabay isaga oo aan wax kala socon ay gogolxaar u tahay in laga qaado xilka Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho.

Golaha wasiirada ee xalay uu soo magacaabay Ra’iisul wasaaraha Dowadda Federaalka Soomaaliya C/weli Sh.Axmed ayaa waxaa ka dhex muuqda wasiiro ka mid ahaa xukuumadii hore ee Ra’iisul wasaare Saacid qayb weyn ka ahaa in Baarlamaanka kalsoonida kala noqdo xukuumadii uu hogaaminayey Ra’isul wasaare Saacid.

Hoos ka Dhagayso Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan)

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/alosau4lzi/Tarzan.mp3] ama Halkaan ka Dhagayso

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online