Gudiga KMG ee Doorashada Puntland oo lagu Dhawaaqay.

January 2, 2014 - Written by Editor

XildhibaanGaroowe:-Goalaha Wakiilada cusub ee Puntland ayaa maanta kulankii ugu horeeyey isigu yimid xarunta golaha baarlamaanka ee dowlada Puntland waxaana kulanka shir Gudoomiyey Cali Axmed Cismaan oo shalay ay golaha wakiilada Puntland u doorteen gudoomiye KMG ah

Kulankii ay saaka isigu yimaadeen Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Puntland ayaa waxaa lagu go’aamiyey xilliga ay dhacayso shirguddoonka Baarlamaanka Puntland waxaana si aqlabiyed ah la isigu raacday maalinta sabtiga 4-01-2014 markaas oo la dooran doono Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo ku xigeenkiisa .

Guddoomiyaha kumeelgaarka ah ee Golaha Wakiilada Puntland Cali Axmed Cismaan ayaa maanta ku dhawaaaqay guddiga KMG oo diyaarin doona doorashadda Puntland waxayna kala yihiin

Saadiq Abshir Garaad Waa Guddoomiye
Axmed Jaamac Cabdulle Xubin
Xassan Siciid Xaaji Xasan Xubin
Maxamuud Faarax Warsame Xubin
Cumar Maxamuud Irbad Xubin

Gudoomiyaha guddiga doorashadda ee KMG ah Saadiq Abshir Garaad ayaa sheegay in ay durbo soo gaareen codsiyo badan kuwaas oo ka yimid xildhibaano ka tirsan golaha baarlamaanka Puntland kuwaas oo doonaya  in ay u tartamaan  xilka Afhayeenka Baarlamaanka Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online