Habraaca doorashada Puntland 2014 oo saaka la shaaciyey.[Dhagayso]
January 5, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Guddiga doorashada madaxtinimada Puntland ayaa maanta si rasmi ah u shaaci yey shuruudaha laga doonayo qofka u tartamaya xilka madaxweynanimada Puntland iyo ku xigeen kiisa, Afhayeenka guddiga doorashada madaxtinimada dowladda Puntland Saadiq Abshir Garaad oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in murashaxa u taagan xilka madaxweynanimada Puntand iyo ku xigeenadiisa laga doonayo shuruudaha kala ah:-
1. Inuu Murashaxu madaxweynaha uu bixiyo lacagta is-diwaan gelin ah oo gaaraysa ilaa $10.000 USD halka madaxweyne ku xigeenka laga doonayo in uu bixiyo lacag dhan $ 5.000 USD
2. In Murashaxu yahay qof ka soo jeeda deeganada Puntland.
3.Inuu Murashaxu yahay qof muslim ah kuna dhaqma diinta islaamka.
4.Inuu Murashaxu uusan lahayn ama yeelan hadii la doorto xaas Ajnabi ah.
5.Inuu Murashaxu uu ka weyn yahay 40 sano jir.
Afhayeenka Guddiga doorashada madaxtinimada Puntland Saadiq Abshir Garaad ayaa sidoo kale xusay in qofka u tartamay xilka madaxweynanimada Puntland iyo ku xigeenkiisa laga doonayo in uu yahay qof waayo aragnimo buuxda u leh hogaanka iyo in uusan ahayan qof danbi iyo khiyaamo ka galay dalka.
Guddiga doorashada madaxtinimada Puntland ayaa ka codsaday dhamaan musharaxiinta in inta ay codsiyadooda ay soo gudbiyaan maalinta Talaada ah 07.01.2014 oo ah maalinta ka horaysa 8 bisha janaayo 2014 oo ay dhici doonto doorashada xilka madaxweynanimada Puntland iyo ku xigeenkiisa.
Hoos ka dhagayso shirka jaraa’id ee uu Garoowe ku qabtay Afhayeenka Guddiga doorashada Puntland Saadiq Abshir Garaad
M_M_Deeq
Halgan.net