Habraaca doorashada Puntland 2014 oo saaka la shaaciyey.[Dhagayso]

January 5, 2014 - Written by Editor

guddoonkaGaroowe:-Guddiga doorashada madaxtinimada Puntland ayaa maanta si rasmi ah u shaaci yey shuruudaha laga doonayo qofka u tartamaya xilka madaxweynanimada Puntland iyo ku xigeen kiisa, Afhayeenka guddiga doorashada madaxtinimada dowladda Puntland Saadiq Abshir Garaad oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in murashaxa u taagan xilka madaxweynanimada Puntand iyo ku xigeenadiisa  laga doonayo shuruudaha kala ah:-

1. Inuu Murashaxu madaxweynaha uu bixiyo lacagta is-diwaan gelin ah  oo gaaraysa ilaa $10.000  USD halka madaxweyne ku xigeenka laga doonayo in uu bixiyo lacag dhan $ 5.000 USD
2. In Murashaxu yahay  qof ka soo jeeda deeganada Puntland.
3.Inuu Murashaxu yahay qof muslim ah kuna dhaqma diinta islaamka.
4.Inuu Murashaxu uusan lahayn ama yeelan hadii la doorto xaas Ajnabi ah.
5.Inuu Murashaxu uu ka weyn yahay  40 sano jir.

Afhayeenka Guddiga doorashada madaxtinimada Puntland Saadiq Abshir Garaad  ayaa sidoo kale xusay in qofka u tartamay xilka madaxweynanimada Puntland iyo ku xigeenkiisa laga doonayo in uu yahay qof waayo aragnimo buuxda u leh hogaanka iyo in uusan ahayan qof danbi iyo khiyaamo ka galay dalka.

Guddiga doorashada madaxtinimada Puntland ayaa ka codsaday dhamaan musharaxiinta in inta ay codsiyadooda ay soo gudbiyaan maalinta Talaada ah 07.01.2014  oo ah maalinta ka horaysa  8 bisha janaayo 2014  oo ay dhici doonto doorashada xilka madaxweynanimada Puntland iyo ku xigeenkiisa.

Hoos ka dhagayso shirka jaraa’id ee uu Garoowe ku qabtay Afhayeenka Guddiga doorashada Puntland Saadiq Abshir Garaad 

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online