Khudbadihii laga jeediyey golaha Wakiilada dowlada Puntland (Daawo)

January 8, 2014 - Written by Editor

Garoowe:-Waxaa maanta la soo afmeeray doorashada Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa waxaana doorashada sanadkan ay ahay mid adag iyada oo loolanka xilka Madaxweynaha Puntland la isla gaaray wareegii 3aad wxaana guusha ay ku raacay Prof.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wuxuuna helay 33 cod halka Madaxweynihii hore ee Puntland Dr.C/raxmaan Faroole uu helay ilaa 32 cod.

Madaxweynaha Cusub ee Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hadal kooban jeediyey ayaa waxaa uu mahad balaaran u jeediyey guddiga Doorashada oo uu sheegay in ay muujiyeen howl karnimo iyo in doorashadu u dhacdo si xalaal ah wuxuuna mahad balaaran u soo jeediyey Madaxweynihii hore ee Puntland Dr.C/raxmaan Faroole

Hoos ka Daawo Khudbadii Madaxweynaha Cusub ee Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Madaxweynihii hore ee Puntland ee laga guuleystay Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in uu ku qanacsan yahay natiijada doorashada waxaana uu hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxaa uu beesha caalamka uga mahadceliyey taageerada ay beesha caalamka gaar ahaan Ergayga Qaramada Midoobay Nicholas Kay iyo midowga Yurub iyo IGAD iyo dalalka dariska la ah Soomaaliya.

Hoos ka Daawo Khudbadii Madaxweynihii Hore ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Madaxweynihii hore ee Puntland Jen Cadde Muuse Xirsi waxaana uu u mahad celiyey Madaxweynihii hore Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole isaga oo ku amaanay shaqadii ay dowladiisa soo qabatay 5sano ay xilka heysay .Jen cadde ayaa sheegay in dadka qaarkiisa ay sheegeen in Puntland dhib ka dhacayso balse ay si nabad ah ku dhamaatay doorashada Puntland isaga oo ugu baaqay Madaxweynaha Cusub in balanqaadka uu sameeyey uu ka dhabeeyo.

Hoos Ka Dhageyso Khudbadii Madaxweynihii hore ee Puntland Jen Cadde Muuse Xirsi

Intaas ka dib markii ay dhamaatay doorashada Madaxweynanimada Puntland ayaa waxaa la galay tartanka Madaxweyne ku xigeenka Puntland waxaana uu gaaray wareegii 2aad waxaana isigu soo haray Cabdixakiin C/laahi Xaji Cumar Camay iyo CLaahi Xirsi Timacde waxaana ku guuleystay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin C/laahi Xaji Cumar Camay wuxuuna helay 48 cod halka CLaahi xirsi Tima Cadde uu helay 16 cod .

Madaxweyne ku xigeenka Cusub ee Puntland Cabdixakiin C/laahi Xaji Cumar Camay waxaana uu u mahad celiyey xildhibaanada golaha wakiilada Puntland wuxuuna jeediyey khudbad kooban

Hoos ka Daawo Khudbadii Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Puntland Cabdixakiin C/laahi Xaji Cumar Camay

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dowlada Puntland Jen Cabdisamed Cali Shire ayaa hambalyo u diray Madaxweyne ku xigenka cusub ee Puntland wuxuuna balan qaaday in uu la shaqeyn doono

Hoos ka Daawo Khudbadii Madaxweynihii hore ee Puntland Jen Cabdisamed Cali Shire

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online