Madaxweynaha DFS oo hambalyo u diray Dr Abdiweli Mohammed Gaas

January 8, 2014 - Written by Editor

Dr.xasanMuqdisho:-Madaxweynaha Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa u hambalyeeyey Dr Abdiweli Mohammed Ali Gaas oo ku guuleystay xilka Madaxweynenimo ee Puntland, tasoo ah guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan hambalyo qaas ah u dirayaa Dr Abdiweli Mohammed Ali Gaas, oo aan wadashaqeyn dhow yeelan doono, iyadoo Dowladda Federaalka ay dar-dargelineyso dhaqangelinta Federaalka Somalia. Puntland waxey tusaale fiican u tahay dalka intiisa kale.”

“Waxaana u mahadcelinayaa dhammaan musharaxiintii iyo sidii nabadda aheyd ee ay u loolantameen. Puntland waxey tustay dalka intiisa kale iyo caalamkaba in dhaqanka dimoqraadiyadda uu ka jiro Soomaaliya, waana in arrintan ay nagu hagtaa sidii aan dalka dib ugu dhisi laheyn.”

Madaxweynahu waxuu ammaanay Baarlamaanka Puntland sidii mas’uuliyadda laheyd oo ay u maareeyeen doorashooyinka.

“Xildhibaanadii matalayey shacabka Puntland waa codeeyeen oo ay soo afjareen olalahii doorashooyinka oo maalmahan la hadal hayey. Sidoo kale waxaan ammaanayaa oo aan u mahadcelinayaa Madax Dhaqameedka, Guddiga Doorashooyinka iyo hay’adaha amniga oo sugay amniga iyo nabadda xilligii doorashooyinka, kaasoo doorashooyinka ka dhigay kuwo guuleysta.”

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey Madaxweynihii hore ee Puntland Abdirahman Mohamed Mohamud Farole oo madaxweyne ka ahaa Puntland 5tii sano ee la soo dhaafay islamrkaana fuliyey doorashooyinka inay waqtigooda dhacaan, uuna aqbalo go’aankii codynta”.

DHAMAAD

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online