Madaxweynaha DFS oo soo dhaweeyey ansixinta xukuumada R/W Cabdiweli

January 21, 2014 - Written by Editor

xasanMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa soo dhoweeyey ansixintii Golaha Wasiirada cusub.Baarlamaanka ayaa maanta u codeeyey oo si aqlabiyad leh ku ansaxiyey Xukuumada cusub ee uu Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed soo dhisay.

Madaxweynaha ayaa yiri: “Waxaan soo dhoweynayaa isla markaana ammaanayaa sida mas’uuliyadda ku jirto ee demoqraadiyada ah ee baarlamaanku u ansixiyeen golaha wasiirada. Tani waa tallaabo dhanka horumarka loo qaaday oo ay tahay shaqsi walba inuu soo dhoweeyo. Ansixintan golaha wasiirada oo matala dhammaan shacabka Soomaaliyeed ahna danta shacabka ayaa waxey shacabka iyo caalamka tuseysaa in hay’adaheena dowliga ah ay yihiin kuwo mas’uuliyada ballaaran ee saaran u gudan kara si muhiim ah.”

“Waxaa hadda lama huraan ah in xukuumada cusub ay bilowdo howlaha muhiimka ah ee horyaalla. Waxaana horyaalla caqabado badan, hase ahaatee Soomaalidu waxey ka sugayaan in horumar laga sameeyo dhan walba. Waa inaan goobaha haray ka saarnaa Al-Shabaab oo aan waddanka nabadeynaa, si aan u joojiyo khatarta argagaxisada. Goobaha cusub ee gacanta dowladda soo galana waa in shacabka la gaarsiiyaa adeegyada bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada. Canshuurahana waa in la bilaabaa oo gundhig u ah dib-u-habeynta iyo maareynta maaliyadda, si aan dalka ugu horseedno soo kabasho dhanka dhaqaalaha ah iyo horumarka guud. Sidoo kale baarlamaanka waxaa horyaalla inay ka doodaan, dib u eegis ku sameeyaan isla markaana ay soo saaraan shuruucda muhiimka u ah dowladnimada iyo dalka.”

—-DHAMAAD—–

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online