Madaxweynaha DFS oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka dallka Japan

January 19, 2014 - Written by Editor

1Muqdisho:-Maddaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Japan Mr Tatsushi Terada.

Safiirka cusub ee Japan oo lagu magacaabo Tatsushi Terada ayaa ka mahadceliyey sida quruxda badan ee loogu soo dhoweeyey Muqdisho, isla markaana looga guddoomay waraaqihiisa aqoonsiga. Waxaa goob joog ahaa Sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam. Safiirka ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Japan ay leeyihiin xiriir taariikhi ah, haddana Japan ay dooneyso inay Soomaaliya ka caawiso dhanka amniga iyo dib u dhiska dalka.

Madaxweynaha ayaa yiri: “Japan waxey na tustay sida ay u tahay saaxiib ay ka go’antahay inay ka dhabeyso ballanqaadyadii horey loogu sameeyey shirkii qaaska ahaa ee bishii May sanadkii hore lagu qabtay Yokohama oo beesha caalamka tustay sida ay Japan door hoggaamineed uga qaadaneyso arrimaha Soomaaliya. Waxaana uga mahadcelinayaa dowladda Japan sida ay u daneyneyso Soomaaliya iyo kaalmadooda dhanka amniga, dib-u-dhiska iyo kor u qaadista tayada shaqaalaha dowladda oo ay saraakiil badan tababar ku soo siiyey dalka Japan.”

no images were found

“Waxaan kaaga mahadcelinayaa booqashadaada Muqdisho, oo ah tallaabooyinkii ugu danbeeyey oo na tuseysa inaan beesha caalamka doorkeenii ku soo noqonay. Bacdamaa aan xasilineyno dalka oo aan horumar joogta ah ku tallaabsaneyno, waxaan rajeynayaa in Japan oo ah dowlad dhaqaalaheedu xooganyahay inay dalkeena maalgeshtaan oo shacabkayaga oo leh dal kheyraad fara badan ay u horseedo inay gaajada ka baxaan oo barwaaqo ay ku noolaadaan.”

DHAMAAD

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online