Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Wafdi ka socda Midowga Yurub (Masawiro)
January 25, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waxaa uu xafiiskiisa ku qaabilya wafdi ka socda Midowga Yurub waxaana wafdigaas horkacayey Michele Cervone oo ah Safiirka Midowga Yurub ee arrimaha Somalia.Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Midowga Yurub ayaa waxaa ay ka wada hadleen xiriirka Puntland iyo EU iyo siddii dardara loo galin lahaa mashaariicda Midowga Yurub ay ka wadaan deegaanada Puntland.
Madaxweynaha Puntland Dr. Gaas ayaa sheegay in ay xoojin doonaan xiriirka Midowga Yurub iyo Puntland si looga faa’iidaysto mashaariicda kale duwan ee Midowga Yurub ay ka fuliyaan degaanada Puntland.
no images were found
Wafdiga Midowga Yurub ayaa waxaa socdaalkooda ku weheliyey ilaa 12 safiir oo ka tirsan Midowga Yurub kuwaas oo xalay ka soo qeyb galay xafladii lagu caleemasaaray Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
M_M Deeq
Halgan.net