Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng.C/xakiim Camey oo dib ugu soo laabtay Garoowe
January 22, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa goor dhow dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland wafdi uu hogaaminayey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng.C/Xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey) oo shalay ka soo qayb galay xafladdii lagu caleema saarayey Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ee ka dhacday magaalada Kismaayo.
Wafdi uu hogaaminayey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng.C/Xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey) ayaa waxaa garoonka diyaaradaga ee Garoowe ku soo dhaweeyey wasiiro ,Xildhibaano, Saraakiil Ciidan iyo waxgarad ka kooban bulshada qaybaheeda kale duwan.
Garoonka diyaaradaha ee Garoowe ayaa waxaa kale oo ku sugan dadweyne fara badan oo ka qayb qaadanaya soo dhaweynaha Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng.C/Xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey) iyo wafdiga la socoda.
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng.Cabdixakiim C/laahi Camey oo la hadlay saxaafadda markii uu ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ayaa waxaa uu sheegay in isaga iyo wafdigii Puntland ee uu hogaaminayey si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo kulamo gaar gaar ahna ay la yeesheen madaxda maamulka Jubba ee uu ugu horeeyo Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan iyo ku xigeenadiisa.
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng.Cabdixakiim C/laahi Camey ayaa u sheegay saxaafadda in xafladii caleema saaraka madaxweynaha maamulka Jubba oo ay ka soo qayb galeen wufuud ka socota beesha caalmaka iyo Puntland in ay ku dhacday si nabad gelyo ah wax dhibaato ahna aysan ka dhicin.
Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland Eng.Cabdixakiim C/laahi Camey ayaa xusay in madaxda maamulka Jubba oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobe ay ka soo qayb geli doonaa Xafladda caleemasaar ah oo ka dhacaysa Garoowe loona dhigayo Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland.
M_M_Deeq
Halgan.net