Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng.C/xakiim Camey oo dib ugu soo laabtay Garoowe

January 22, 2014 - Written by Editor

cameyGaroowe:-Waxaa goor dhow dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland wafdi uu hogaaminayey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng.C/Xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey) oo shalay ka soo qayb galay xafladdii lagu caleema saarayey Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ee ka dhacday magaalada Kismaayo.

Wafdi uu hogaaminayey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng.C/Xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey) ayaa waxaa garoonka diyaaradaga ee Garoowe ku soo dhaweeyey wasiiro ,Xildhibaano, Saraakiil Ciidan iyo waxgarad  ka kooban bulshada qaybaheeda kale duwan.

Garoonka diyaaradaha ee Garoowe ayaa waxaa kale oo ku sugan dadweyne fara badan oo ka qayb qaadanaya soo dhaweynaha Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng.C/Xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey) iyo wafdiga la socoda.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng.Cabdixakiim C/laahi Camey oo la hadlay saxaafadda markii uu ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ayaa waxaa uu sheegay in isaga iyo wafdigii Puntland ee uu hogaaminayey si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo kulamo gaar gaar ahna ay la yeesheen madaxda maamulka Jubba ee uu ugu horeeyo Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan iyo ku xigeenadiisa.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng.Cabdixakiim C/laahi Camey ayaa u sheegay saxaafadda in xafladii caleema saaraka madaxweynaha maamulka Jubba oo ay ka soo qayb galeen wufuud ka socota beesha caalmaka iyo Puntland in ay ku dhacday si nabad gelyo ah wax dhibaato ahna aysan ka dhicin.

Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland Eng.Cabdixakiim C/laahi Camey ayaa xusay in madaxda maamulka Jubba oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobe ay ka soo qayb geli doonaa Xafladda caleemasaar ah oo ka dhacaysa Garoowe loona dhigayo Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online