Maraykanka oo sheegatay duqeyntii ka dhacay Gobolka Sh /Hoose
January 27, 2014 - Written by EditorBaraawe:-Sarkaal ka tirsan ciidanka Milateriga ayaa u sheegay Telefishinka CNN in dowlada Mareykanka ay ka danbeysay weerar lagu qaaday kolanyo gawaari ah oo ay la socdeen saraakiil ka tirsan kooxda AL-Shabaab kuwaas oo shalay lagu duqeeyey Gobolka Shabeellada Hoose
Sarkaalkan u hadalay dowlada Mareykanka oo diiday in magaciisa la sheego ayaa sheegay in hadafka ay ka lahaayeen duqeynta uu si guul ah ugu fulay isaga oo ka gaabsaday in uu wax faahfaahin ah ka bixiyo .Duqeynta shalay ayaa waxay ka dhacaya inta u dhexeysa degmooyinka Sablaale iyo Baraawe oo ka wada tirsan gobolka Shabeelada Hoose.
Ilaa shalay ayaa waxaa soo baxayey warar kala duwan oo ku saabsan cid weerar lagu qaaday waxaana la sheegayaa in sarkaal ka tirsan Al-Shabaab uu duqeynta ku dhintay kaas oo magaciisa lagu sheegay Sahal Isku dhuuq oo ahaa madaxii Caafimaadka Al-Shabaab
Ilaa haatan ma jirto cid xaqiijin karta dilka Sahal Isku dhuuq oo ahaa madaxii Caafimaadka ee Al-Shabaab .waxaan sidoo kale duqeynta ka hadal ilaa haatan labada Afhayeen ee Al-Shabaab .
Dowlada Mareykanka ayaa dhowr jeer weeraro cirka ah ku dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab waxaana inta badan ay weeraraas ka dhaceen Gobolka Shabeellada Hoose.
Madaxada DFS ayaa sidoo kale ka hadal duqeyntii shalay ka dhacay Gobolka Shabeellada Hoose taas oo qeysatay khasaaro kala duwan.
A/Cawale
Halgan.net