Maraykanka oo sheegatay duqeyntii ka dhacay Gobolka Sh /Hoose

January 27, 2014 - Written by Editor

droneBaraawe:-Sarkaal ka tirsan ciidanka Milateriga ayaa u sheegay Telefishinka CNN in dowlada Mareykanka ay ka danbeysay weerar lagu qaaday kolanyo gawaari ah oo ay la socdeen saraakiil ka tirsan kooxda AL-Shabaab kuwaas oo shalay lagu duqeeyey Gobolka Shabeellada Hoose

Sarkaalkan u hadalay dowlada Mareykanka oo diiday in magaciisa la sheego ayaa sheegay in hadafka ay ka lahaayeen duqeynta uu si guul ah ugu fulay isaga oo ka gaabsaday in uu wax faahfaahin ah ka bixiyo .Duqeynta shalay ayaa waxay ka dhacaya inta u dhexeysa degmooyinka Sablaale iyo Baraawe oo ka wada tirsan gobolka Shabeelada Hoose.

Ilaa shalay ayaa waxaa soo baxayey warar kala duwan oo ku saabsan cid weerar lagu qaaday waxaana la sheegayaa in sarkaal ka tirsan Al-Shabaab uu duqeynta ku dhintay kaas oo magaciisa lagu sheegay Sahal Isku dhuuq oo ahaa madaxii Caafimaadka Al-Shabaab

Ilaa haatan ma jirto cid xaqiijin karta dilka Sahal Isku dhuuq oo ahaa madaxii Caafimaadka ee Al-Shabaab .waxaan sidoo kale duqeynta ka hadal ilaa haatan labada Afhayeen ee Al-Shabaab .

Dowlada Mareykanka ayaa dhowr jeer weeraro cirka ah ku dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab waxaana inta badan ay weeraraas ka dhaceen Gobolka Shabeellada Hoose.

Madaxada DFS ayaa sidoo kale ka hadal duqeyntii shalay ka dhacay Gobolka Shabeellada Hoose taas oo qeysatay khasaaro kala duwan.

Halkan ka eeg TV CNN oo sarkaal mareykan ah ka soo xigtay weerarkii ka dhacay Gobolka Shabeellada Hoose

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online