C/Nuur (Biindhe) oo ka mid ah Madaxweynayaashii Khaatumo oo soo gaaray Garoowe

January 28, 2014 - Written by Editor

biindheGaroowe:-Cabdinuur Cilim Qaaje  (Biindhe) oo ka mid ah madaxweynayaashii Khaatumo, ayaa soo gaaray magaalada Garoowe caasimadda Puntland.Biindhe, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxa uu ku sugnaa magaalada Boocame ee gobolka Sool, isagoona shalay ka soo kicitimay halkaas, isla markaasna u soo gaaray magaalada Garoowe, waxaana jiray wada hadal dhex maray isaga iyo mas’uuliyiinta cusub ee Puntland.

Wararka aanu ka heleyno ilo xogogaal ah oo ku dhow madaxtooyada, ayaa sheegaya in Mr.  Biindhe, uu ka mid noqonayo wasiirrada xukuumadda Puntland, iyadoo taasna loo sababeynayo imaanshihiisa magaalada Garoowe.

Cabdi Nuur Cilim Qaaje  Biindhe, ayaa ka mid ahaa saddexdii madaxweyne ee sanadkii 2012kii magaalada Taleex, loogu magacaabay Khaatumo, iyadoo horeyna uu Garoowe u yimid Axmed Karaash, oo ka mid ahaa madaxdaas, walow mar dambe uu soo baxay war sheegaya in xilalkii laga qaaday Axmed Karaash iyo Biindhe, balse arrinkaas waxaa ku gacan seyray Biindhe iyo Ugaas Cabdulaahi Ciise Nuur oo magaalada Boocame si wadajir ah uga hadlay.

Halgan.net/Somalireal
Garoowe,Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online