Mu’asada Safa oo Nadwo Cilmiyeed ku qabatay Magaalada Muqdisho (Masawiro)
January 8, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-09:00 subaxnimo ee maanta oo talaada ah waxaa hoolka shirarka ee Xarunta Ibnu Baaz ka furmay Nadwo Cilmiyeed ku saabsan Horumarinta xalaqaadka Cilmiga ee Masaajidda.Nadwadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa soo agaasimay Mu’asasada Safa ee Dacwada & Horumarinta ee magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qeyb galay: qaar ka mid ah culimada Masaajida Muqdisho wax ka akhriya, Macalimiinta Dugsiga, jaamacadaha, Macaahida iyo Iskuulada Muqdisho qaarkood.
Nadwadan waxaa kalimooyin Qiimo badan ka soo jeediyay Culumo waaweyn oo ay ka mid yihiin:
1-Sheekh Bashiir Axmed Salaad.
2-Sheekh Maxamuud Sheekh Axmed Xasan “Abuu Shayba”
3-Sheekh Abuukar Xaaji Khaliif Maxamed
4-Sheekh Shaafici C/casiis xaaji dhafe.
Nadwadan ayay culimadu ku gorfeeyeen cilmi baarisyo ku saabsan:
1-Tijaabooyinkii hore ee laga dhaxlay xalaqaadka masaajida xiligii hore iyo xiligan danbe.
2-Cilmi baaris ku saabsan xalaqaadka masaajida soomaaliya iyo Manhajkooda.
3-Qaababka loo hormarin karo xalaqaadka Cilmiga Masaajida, kaas oo ku qotoma
a.Macalinka.
b.Ardeyga
c.Manhajka
d.Iyo deegaanka.
4-Dajinta Manhaj waxbarasho oo ay yeeshaan xalaqaadka Cilmiga ah ee soomaaliya.
Sheikh Bashiir Axmed Saalad oo diirada saaray Dajinta Manhaj waxbarasho oo ay yeeshaan xalaqaadka Cilmiga ah ee soomaaliya, ayaa soo jeediyay in la sameeyo 4 xalqadood oo kala heer saraysa oo kala ah:
no images were found
1-Xalaqo u gooni ah dadka caamada ah ee aysan wax u bilownayn.
Wuxuuna sheegay in lagu barayo, arkaanta Islaamka, iimaanka, towxiidka iyo shirkiga, axkaamta dahaarada, salaada, soonka , sakada, xajka iyo waxyaabaha xaaraamta ah ee guud iyo kuwa khaaska ah I.W.M.
2-Xalaqo u gooni ah dadka heerka hoose ee dulaabul cilmiga ah.
Xalqadan wuxuu sheegay sheekhu inay tahay dariiqo si rasmi ah ardeyga loo barayo culuumta sharciga, laakiin wuxuu tilmaamay in loogu ekaysiinayo xifdinta Mutuunta.
3-Xalaqo lagu soo saarayo ducaad iyo a’imo iyo dadka heerkooda waxbarasho meel dhaxaadka yahay.
Xalaqadan ayuu ku tilmaamay sheekhu inay tahay marxaladii uu helayay ardeyga cilmigii sharciga, isla markaana looga baahanyahay in la baro dhamaan funuunta cilmiga iyaga oo faah-faahsan.
4-Iyo xalaqo lagu dhisayo culimo waaweyn oo ah heerka ugu sareeya.
Xalqadan ayuu sheegay sheekhu inay tahay marxalo aad u heersarayso oo fan walba laga gaarayo meesha ugu saraysa, wuxuuna sheekhu soo jeediyay in Xarumo gooni ah loo sameeyo, soona galaan dad gaar ah oo la soo diyaariyay.
Sidoo kale, Sheekh Bashiir Ahmed Salaad ayaa iftiimiyay in loo baahanyahay in la sameeyo xalaqaad loo bixiyo “Xufaad al-waxyayn” oo ay ardeydu ku xifdinayaan kitaabka qur’aanka ah iyo wixii la xiriira iyo sunanta
Sheikh Bashiir ayaa ugu danbeytii soo jeediyay in lagu dadaalo in waxbarashada soomaaliya aysan noqon mid diin buris ah ee ay noqoto mid diinta kaabaysa.
Ugu danbeyn qeybihii kale duwanaa ee Nadwada ka soo qeyb galey waxaa la isku raacey in la xoojiyo Dacwada, si gaara xooga loo saaro kor u qaadida & kordhinta duruusta kale duwan ee ka baxda Masaajida.
Mu’asada Safa
Halgan.net