Mu’asada Safa oo Nadwo Cilmiyeed ku qabatay Magaalada Muqdisho (Masawiro)

January 8, 2014 - Written by Editor

DSC00053Muqdisho:-09:00 subaxnimo ee maanta oo talaada ah waxaa hoolka shirarka ee Xarunta Ibnu Baaz ka furmay Nadwo Cilmiyeed ku saabsan Horumarinta xalaqaadka Cilmiga ee Masaajidda.Nadwadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa soo agaasimay Mu’asasada Safa ee Dacwada & Horumarinta ee magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qeyb galay: qaar ka mid ah culimada Masaajida Muqdisho wax ka akhriya, Macalimiinta Dugsiga, jaamacadaha, Macaahida iyo Iskuulada Muqdisho qaarkood.

Nadwadan waxaa kalimooyin Qiimo badan ka soo jeediyay Culumo waaweyn oo ay ka mid yihiin:
1-Sheekh Bashiir Axmed Salaad.
2-Sheekh Maxamuud Sheekh Axmed Xasan “Abuu Shayba”
3-Sheekh Abuukar Xaaji Khaliif Maxamed
4-Sheekh Shaafici C/casiis xaaji dhafe.

Nadwadan ayay culimadu ku gorfeeyeen cilmi baarisyo ku saabsan:
1-Tijaabooyinkii hore ee laga dhaxlay xalaqaadka masaajida xiligii hore iyo xiligan danbe.
2-Cilmi baaris ku saabsan xalaqaadka masaajida soomaaliya iyo Manhajkooda.
3-Qaababka loo hormarin karo xalaqaadka Cilmiga Masaajida, kaas oo ku qotoma
a.Macalinka.
b.Ardeyga
c.Manhajka
d.Iyo deegaanka.
4-Dajinta Manhaj waxbarasho oo ay yeeshaan xalaqaadka Cilmiga ah ee soomaaliya.

Sheikh Bashiir Axmed Saalad oo diirada saaray Dajinta Manhaj waxbarasho oo ay yeeshaan xalaqaadka Cilmiga ah ee soomaaliya, ayaa soo jeediyay in la sameeyo 4 xalqadood oo kala heer saraysa oo kala ah:

no images were found

1-Xalaqo u gooni ah dadka caamada ah ee aysan wax u bilownayn.
Wuxuuna sheegay in lagu barayo, arkaanta Islaamka, iimaanka, towxiidka iyo shirkiga, axkaamta dahaarada, salaada, soonka , sakada, xajka iyo waxyaabaha xaaraamta ah ee guud iyo kuwa khaaska ah I.W.M.

2-Xalaqo u gooni ah dadka heerka hoose ee dulaabul cilmiga ah.
Xalqadan wuxuu sheegay sheekhu inay tahay dariiqo si rasmi ah ardeyga loo barayo culuumta sharciga, laakiin wuxuu tilmaamay in loogu ekaysiinayo xifdinta Mutuunta.
3-Xalaqo lagu soo saarayo ducaad iyo a’imo iyo dadka heerkooda waxbarasho meel dhaxaadka yahay.
Xalaqadan ayuu ku tilmaamay sheekhu inay tahay marxaladii uu helayay ardeyga cilmigii sharciga, isla markaana looga baahanyahay in la baro dhamaan funuunta cilmiga iyaga oo faah-faahsan.
4-Iyo xalaqo lagu dhisayo culimo waaweyn oo ah heerka ugu sareeya.

Xalqadan ayuu sheegay sheekhu inay tahay marxalo aad u heersarayso oo fan walba laga gaarayo meesha ugu saraysa, wuxuuna sheekhu soo jeediyay in Xarumo gooni ah loo sameeyo, soona galaan dad gaar ah oo la soo diyaariyay.

Sidoo kale, Sheekh Bashiir Ahmed Salaad ayaa iftiimiyay in loo baahanyahay in la sameeyo xalaqaad loo bixiyo “Xufaad al-waxyayn” oo ay ardeydu ku xifdinayaan kitaabka qur’aanka ah iyo wixii la xiriira iyo sunanta

Sheikh Bashiir ayaa ugu danbeytii soo jeediyay in lagu dadaalo in waxbarashada soomaaliya aysan noqon mid diin buris ah ee ay noqoto mid diinta kaabaysa.

Ugu danbeyn qeybihii kale duwanaa ee Nadwada ka soo qeyb galey waxaa la isku raacey in la xoojiyo Dacwada, si gaara xooga loo saaro kor u qaadida & kordhinta duruusta kale duwan ee ka baxda Masaajida.

Mu’asada Safa
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online