Mu,asasada Al-Karam oo nadwo cilmiyeed lagaga hadlayey kor u qaadista xalaqaadka cilmiga ku qabatay Hargaysa

January 17, 2014 - Written by Editor

IMG_2404Hargeysa: Nadwo si balaadhan loo soo agaasimay ayaa maanta oo khamiis ah waxay ka qabsoomtay markazka al-saxaaba ee magaalada hargaysa ee xarunta s/land.

Nadwo cilmiyeedkan oo lagaga hadlayey kobcinta iyo kor u qaadista xalaqaadka cilmiga ah ayaa waxaa ka soo qayb galay culimo iyo ducaad kala duwan . Ugu horayn waxa kalmado koob kooban ka bixiyey culimada kala ah :

1. Sheekh Jaamac Faarax C/laahi (madaxa dacwada mu.asasatu karam ee gobolka maroodi jex)
2. Sheekh Aabi Cali Maxamed (madaxa jaamacada badar ee caalamiga ah)
3. Sheekh Ciise Maxamuud C/laahi (gudoomiyaha boodhka mu,asasada )

Culimadan ayaa dhamaantood waxay ka dhawaajiyeen ahmiyada xalaqaadka masaajida iyo taariikhdii ay soo mareen , faa,iidada ay u leeyihiin bulshada.

Nadwadan oo loogu tala galay in ay socoto muddo laba cisho ah ayaa manta waxa laga dooday qodobadan

1.  Mashaakilka haysta xalaqaadka manta jira Cilaajinta ama daawaynta mashaakilka haysta xalaqaadka cilmiga
2. Waxyaabaha ay ku fiicanyihiin xalaqaadku.

Qodobadan ayaa mid mid la isku dul taagay waxana culimadu ka niqaashay ugu horayn mashaakilka ka taagan xalaqaadka cilmiga iyo sababaha daciifiyay ,Waxanay dhamaantood isku raaceen in ay aad hoos ugu dheceen xalaqaadku oo anay waqtiyadii hore sidan ahaan jirin.

Culimada ayaa ku sababaysay arintaas sababo kala duwan sida:

1.Xalaqaadka oo aan lahayn manaahij si fiican loo raaco
2.Wax barashada nidaamiga ah oo yaraysay xalaqaadkii masaajida
3.Dhalinta in badan oo ku mashquulay tignoolajiyda si qaldana u adeegsada
4.Mashquulka oo ka badan intii hore
5.Ardayda oo aan badanaa joogtayn fadhiisiga xalaqaadka.

Asbaabahaa iyo kuwo kale ayey culimada iyo ducaadu ku sababeyeen dib u dhaca ku yimi xalaqaadkii masaajida ee lagu baranjiray culuumta shareecada.

Intaa kadib waxay isla gorfeyeen sidii kor loogu qaadi lahaa xalaqaadka waxanay tilmaameen talaabooyin wax ku ool ah oo ay haboontahaya in la raaco si kor u qaadis loogu sameeyo xalaqaadka cilmiga sida:

1. In manhaj xoogan loo sameyo xalaqaadka Ku dhiiri galinta bulshada ahmiyada xalaqaadka
2. In ardayda macaahida lagu xidho xalaqaadka masaajida
3. Samaynta guddi culimo ah oo u xisaaran nidaaminta iyo maamulida xalqaadka
4. In ardayda dhamaysata xalaqaadka la siiyo shahaado laguna xidho jaamacadaha
5. Dhirigalinta luuqada carabiga

Nadwada oo socotay muddo 3 saacadood ah ayaa ku soo gabagabootay jawi aad u wacan iyo himilo ka muuqatay culimadii iyo ducaadii ka soo qayb gashay, waxan dib loogu balamay maalinta axada ee soosocota in sha allaahu.

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online