Murashax Gen.C/laahi Siciid Samatar oo soo dhaweeyey gudoonka Baarlamaanka Puntland.[Dhagayso]
January 5, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Musharaxiinta Puntland ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyey gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire iyo labadiisa ku xigeen oo shalay ay doorteen Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland.
Xildhibaanada cusub ee dowladda Puntland ayaa kulan ay shalay iskugu yimaadeen xarunta golaha shacabka waxaa ay doorteen gudoonka cusub ee baarlamaanka Puntland arrinkaas oo ay soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhamaan musharaxiinta Puntland.
Gudoomiyahah musharaxiinta Puntland Gen. Cabdulaahi Siciid Samatar ahna musharax ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynanimada Puntland ayaa soo dhaweeyey gudoomiyaha cusub ee Puntland Siciid Xassan Shire isagoona sheegay in xilka loo dhiibay uu yahay mid culus sidaas darteedna looga baahan yahay in masuuliyada la saaray uu si wanaagsan uga soo baxo.
Gudoomiyahah musharaxiinta Puntland Gen. Cabdulaahi Siciid Samatar ayaa amaan u soo jeediyey Xildhibaanad ,shacabka iyo ciidanka amniga oo uu ku amaanay isku duubni iyo wada jirka ay mar walba uga gudbaan caqabada la soo gudboonaada.
Musharaxiin ay ka mid yihiin Cabdidaahir Maxamed Yuusuf Yey iyo Dr.Cali Xaaji Warsame ayaa soo dhaweeyey gudoonka cusub ee baarlamaanka Puntland iyo qaabka loo doortay oo ay sheegeen in ay ku qanacsan yihiin.
Ugu danbayntii ayaa Gudoomiyahah musharaxiinta Puntland Gen. Cabdulaahi Siciid Samatar waxaa uu ugu baaqay Xildhibaanada Puntland in ay doortaan hogaan wanaagsan oo xiliga ay ku jirto Puntland ka saari kara si ay horumar loo gaaro ayna ka fogaadaan wixii dhaawici kara horumarka Puntland.
Hoos ka Dhagayso shirka jaraa’id ee Musharax Gen. Cabdulaahi Siciid Samatar
M_M_Deeq
Halgan.net