Murashax Gen.C/laahi Siciid Samatar oo soo dhaweeyey gudoonka Baarlamaanka Puntland.[Dhagayso]

January 5, 2014 - Written by Editor

cabdullahiSiciidSamatarGaroowe:-Musharaxiinta Puntland ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyey gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire iyo labadiisa ku xigeen oo shalay ay doorteen Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland.

Xildhibaanada cusub ee dowladda Puntland ayaa kulan ay shalay iskugu yimaadeen xarunta golaha shacabka waxaa ay doorteen gudoonka cusub ee baarlamaanka Puntland arrinkaas oo ay soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhamaan musharaxiinta Puntland.

Gudoomiyahah musharaxiinta Puntland Gen. Cabdulaahi Siciid Samatar ahna musharax ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynanimada Puntland ayaa soo dhaweeyey gudoomiyaha cusub ee Puntland  Siciid Xassan Shire  isagoona sheegay in xilka loo dhiibay uu yahay mid culus sidaas darteedna looga baahan yahay in masuuliyada la saaray uu si wanaagsan uga soo baxo.

Gudoomiyahah musharaxiinta Puntland Gen. Cabdulaahi Siciid Samatar ayaa amaan u soo jeediyey Xildhibaanad ,shacabka iyo ciidanka amniga oo uu ku amaanay isku duubni iyo wada jirka ay mar walba uga gudbaan caqabada la soo gudboonaada.

Musharaxiin ay ka mid yihiin Cabdidaahir Maxamed Yuusuf Yey iyo Dr.Cali Xaaji Warsame  ayaa soo dhaweeyey gudoonka cusub ee baarlamaanka Puntland iyo qaabka loo doortay oo ay sheegeen in ay ku qanacsan yihiin.

Ugu danbayntii ayaa Gudoomiyahah musharaxiinta Puntland Gen. Cabdulaahi Siciid Samatar waxaa uu ugu baaqay Xildhibaanada Puntland in ay doortaan hogaan wanaagsan oo xiliga ay ku jirto Puntland ka saari kara  si ay horumar loo gaaro ayna ka fogaadaan wixii dhaawici kara horumarka Puntland.

Hoos ka Dhagayso shirka jaraa’id ee  Musharax Gen. Cabdulaahi Siciid Samatar

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online