Nabadoon Maxamuud Maxamed Faarax Garawaan oo caawa Garoowe Lagu dilay.

January 27, 2014 - Written by Editor

bastooladGaroowe:-Allaha ha u naxariistee waxaa caawa lagu dilay magaaladda Garoowe ee xarunta Puntland Nabadoon Maxamuud Maxamed Faarax Garawaan (Xamari) oo ahaa

Nabadoon caan ah oo si weyn looga yaqaaney magaalada Garoowe waxaana uu Nabadoon u ahaa Marxuumka la dilay Beesha Leelkase reer Xasan ee gobolka Nugaal

Allaha ha u naxariistee Nabadoonka ayaa waxaa dilay koox ku hubeysan bastoolado xili uu ku sii jeeday hoyga uu ka degna magaalada Garoowe.

Ciidamada ammaanka ee magaaladda Garoowe ayaa goobta soo gaaray dilka ka dib iyaga oo baaritaano ka bilaabay magaalada  ilaa haatan lama yaqaan cida dishay Nabadoonka iyo sababta ay u dileen.

Waxgaradka iyo Cuqaasha ku dhaqan magaalada Garoowe ayaa aad uga xumaaday dilka loo geystay caawa Nabadoon Maxamuud Maxamed Faarax Garawaan (Xamari) waxaana ay ciidamada amaanka ka dalbadeen in si degdeg ah loo qabto dhagarqabayaashii dilka geystay.

Nabadoon Maxamuud Maxamed Faarax Garawaan (Xamari) ayaa waxaa uu ifka uga tagay alaha u naxariistee 5 caruur ah.

M_M Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online