Nadwadii ka socotay magaalada Ceerigaabo oo gashay habeenkii 5 naad (Masawiro)
January 30, 2014 - Written by EditorCeerigaabo:-Nadwo diini ah oo maalmihii la soo dhaafay ka socotay masjid jaamac wayn ee magaalada Ceerigaabo ayaa gashay habeenkii 5aad.Sh.C/naasir Xaaji Axmed Yuusuf oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaaliya ayaa caawa muxaadaro aad u qiimo badan soo jeediy Nadwada ka socta magaalada Ceerigaabo.
Muxaadarada ayaa ciwaankeedu ahaa Maacaasida iyo raadka xun ay ku reebto qofka ,bulshada Sheikh C/naasir Xaaji Axmed Yuusuf ayaa ku dheeraday macaasida iyo raadadaka ay reebto waxanu sigaar ah isku dul taagay dika qof muslim ah dhiigiisa xaq daro lagu daadiyo sida in qabiil iyo aano dartiis lagu daadiyo ama magic diineed ha lagu daadiyo.
Sheikh ayaa ka digay dadka banaysanaya dhiiga muslimiinta ee aan cidna dhaafayn haday tahay wax garad iyo culimo intaba iyaga oo ku gabanaya magac jihaad , ama diin . Sida oo kale waxa sheekhu ku dheeraaday is qarxinta oo u ku timaamay mid xaaran ah qofkuna uu noqonayo mid naftiisa dilay , sheekha oo qaab su,aal ah loo waydiiyey masalada is qarxinta ayaa waxa uu uga digay dadka in ay ka digtoonaadaan waxanu tilmaamay in aan shahaado lagu tilmaami Karin qofka is dila.
no images were found
Nadwada caawa ayaa waxa lagu soo khatimay sidii caadadu ahayd su,aalo culimada la waydiiyey waxaana caawa su,aalaha ka jawaabay culumada kala ah
1-Sheekh Maxamed Cumar Dirir
2-Sheekh Dr Xasan Sheikh Cali Warsame
3-Sheekh Axmed Maxamed Sulaymaan
Nadwadan oo ay soo qaban qaabisay mu,asasada dacwada iyo horumarka ee al- karam ayaa gashay habeenkii 5 aad iyada oo la filayo in ay sii socoto Maalmaha soo socda
Mu,ssada Al-Karam Ee Dacwada &Horimarinta
Ceerigaabo
Halgan.net