Nadwadii ka socotay magaalada Ceerigaabo oo gashay habeenkii 5 naad (Masawiro)

January 30, 2014 - Written by Editor

DSC01074Ceerigaabo:-Nadwo  diini  ah  oo maalmihii  la  soo dhaafay   ka socotay  masjid jaamac  wayn  ee  magaalada Ceerigaabo  ayaa  gashay  habeenkii 5aad.Sh.C/naasir  Xaaji  Axmed  Yuusuf  oo  ka  mid ah  culimada waaweyn ee Soomaaliya ayaa caawa muxaadaro aad  u  qiimo  badan  soo  jeediy Nadwada ka socta magaalada Ceerigaabo.

Muxaadarada  ayaa  ciwaankeedu  ahaa  Maacaasida iyo raadka xun ay  ku reebto qofka ,bulshada Sheikh C/naasir  Xaaji  Axmed  Yuusuf  ayaa  ku  dheeraday  macaasida  iyo  raadadaka  ay  reebto  waxanu  sigaar  ah  isku  dul taagay  dika qof muslim ah dhiigiisa xaq daro lagu daadiyo sida in qabiil iyo aano dartiis lagu daadiyo ama magic diineed ha lagu daadiyo.

Sheikh ayaa ka digay dadka banaysanaya dhiiga muslimiinta ee aan cidna  dhaafayn haday tahay wax garad iyo culimo intaba iyaga oo ku gabanaya magac jihaad , ama diin . Sida  oo kale  waxa  sheekhu ku dheeraaday is qarxinta oo u ku timaamay mid xaaran ah qofkuna  uu noqonayo mid naftiisa dilay , sheekha  oo qaab su,aal ah loo waydiiyey masalada is qarxinta ayaa waxa uu uga digay dadka in ay ka digtoonaadaan waxanu tilmaamay in aan shahaado lagu tilmaami Karin qofka is dila.

no images were found

Nadwada caawa  ayaa waxa  lagu soo khatimay sidii caadadu ahayd su,aalo culimada la waydiiyey waxaana caawa su,aalaha ka jawaabay culumada kala ah

1-Sheekh Maxamed  Cumar Dirir

2-Sheekh Dr Xasan Sheikh Cali Warsame

3-Sheekh Axmed Maxamed  Sulaymaan

Nadwadan  oo  ay soo qaban qaabisay mu,asasada dacwada iyo horumarka ee al- karam ayaa gashay habeenkii  5 aad  iyada oo la filayo in ay sii socoto Maalmaha soo socda

Mu,ssada Al-Karam Ee Dacwada &Horimarinta
Ceerigaabo
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online