Nadwo Cilmiyeed ka socta masjidu jaamacu qadiim ee magaalada Boorama (Masawiro)

January 26, 2014 - Written by Editor

salaahudiin 55islamic (2)Boorama:-Muxaadaradan ayaa ahayd mid ay sugaayeen bulshada ku dhaqan magalada borama taas oo ku tusinaysay markii ay soo dhawaatay saacadii la qabanaayay oo ku beegnayd 18:30 fiidnimo (salaada maqrib ka dib)in ay soo buux dhaafiyeen dadwaynaha ku dhaqan magaalada borama masaajidka gudihiisa. Markii ay dhamaatay salaadii maqrib ayaa waxaad dheehanaysay in dadku aad ugu sii cidhiidhsamayaan  labada sheikh sidii ay ugu sii dhawaan lahaayeen. Waxaa iyana garab soconaayay in aad arkaysay kooxo dhalin yaro ah  oo diyaarinaayay meesha ay ka hadlayaa labada sheikh iyo meesha ay istaagi lahaayeen  dubayaasha muxaadarada(camera man ).

Diyaarin heer sare ah ka dib waxaa bilaabmatay muxaadaradii, waxaa muxaadarada qaybteedii hore lagu soo dhaweeyay Dr. Axmed Aadan Buuxxane (Dr. Buxane). Isaga oo ka hadlay Qaadka iyo dhibaatada uu u leeyahay bulshada caaf maad ahaan iyo dhaqaale ahaan waxa uu xusay Dr. buuxane in qaadku xubin kasta oo bili’aadamka la soo qaado uu xanuun ku keeno. Dhinaca dhaqalaha na in uu magalda borama oo kaliya dhaqaalaha qaadka kaga baxaa ay gaadhay so Maalintii   150,000$  oo dhiganta Bishii 4500000$ taas oo u dhigan ta sanadkii 54000000$  Cilimi baadhistan xisaabeed ayaa ahayd mid yaab galisay dadkii soo buux dhaafiyay masjidka

no images were found

Markii uu sheikhii labaad ee sheikh xasan daheeye bilaabay muxaadarada qaybteedii labaad ayaa waxa uu isna ka sheekeeyay taariikh ahaan iyo sharci ahaan ba xaaraam yahay jaadku isga dadwayna soo buux dhaafiyay su’aal waydiiyay oo yidhi “intaan xaaraan iyo xalaal jaadku ma yahay ka hadal  waxaan nii waydiinayaa jaadku dhibaato ma leeyahay?” markii ay dadku ku wada jawaabeen “HAAA” ayuu yidhi sheikhu idinkaa xukumay ee wixii dhibaato nafta iyo maalka iyo diinta iyo bulshada ba dhibaateeyaa waa Xaaraam”
ayaa waxaa caawa soo jeedinaayay  2 da  sheikh ee kala ah

1.       Sheikh xasan Deheeye Ahmed

2.       Dr.  Axmed Aadan Buuxane (Dr. Buuxane)
Muxaadaradan ayaa waxaaa soo gunaanaday Sheikhu baladka magalda borama sheikh Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar. Isga oo xusan in la sameey ururo ladagaalanka Qaadka ah  ku waas oo bulashada aad uga wacyigalisa dhibaatada uu jaadku leeyahay.

Boorame
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online