Qarax dad shacab ah lagu laayey oo ka dhacay Gaalkacyo[Masawiro]

January 21, 2014 - Written by Editor

7Gaalkacyo:- Waxaa saaka ka dhacay Gaalkacyo qarax miino ah oo geystay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, Qarax miinada ayaa waxaa lagu aasay buunada laamiga dhinac galbeedka kaga beegan Isbitaalka GMC ee magaalada Gaalkacyo.

Qarax ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa 13 qof waxaan ku dhintay ilaa 3 qof oo kala ah 2 wiil iyo gabar yar , dhamaan dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa waxaa ay u badan yihiin dad dhalinyaro ah. Dhalinyaradaan qarax ku dhintay ama ku dhaawacmay ayaa waxaa ay ku soo xoomeen markii uu dhacay qaraxu ka dibna waxaa la sheegayaa in qarax miino ah oo kale oo meesha ku jira meel fog laga qarxiyey ka dibna dhimasho iyo dhaawacu
uu ka dhashay qaraxii danbe.

Dadkii ku dhaawacmay qarax ayaa hadda waxaa la geeyey Isbitaalka guud ee Gaalkacayo ee gobolka Mudug halkaasi oo lagu daweynayo, waxaa kale oo Isbitaalka la keenay 3 qof oo meyd ah.Duqa degmada Gaalkacyo Col.Axmed Cali Salaad Faarax oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu marka hore tacsi u diray dadkii caruurtooda ay kaga dhinteen qaraxii saaka isagoo sheegay in qaraxa ay ka danbeeyaan kuwa cadaw u ah Puntland iyo dadka ku nool.

Duqa degmada Gaalkacyo Col.Axmed Cali Salaad Faarax ayaa sheegay in qarax saaka lagu laayey dad dhalinyaro ah oo qaraxii koowaad  marka uu dhacay oo aan sidaas u weynayn ay dhalinyaro ku xoomeen goobta qaraxu ka dhacay ka dibna lagu qarxiyey qarax miino oo meel fog laga hagayey taasna ay dhalisay in la laayo dad rayd ah.

no images were found

Duqa degmada Gaalkacyo Col.Axmed Cali Salaad Faarax ayaa beeniyey in qarax lala eegtay Saraak ka tirsan ciidanka Puntland ama qof madax ah balse qarax lagu laayey oo kaliya dad shacab ah, Col, Axmed ayaa ugu baaqay dadka reer Gaalkacyo in ay foojignaadaan oo wixii ay ka shakiyaan ay la soo socodsiiyaan ciidanka amaanka si sharciga loo horgeeyo.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxan balse masuuliyinta Gobolka Mudug ee Puntland ayaa inta badan ku eedeeyey qaraxyada ka dhaca Gaalkacyo in ay ka danbeeyaan ururka Al-shabaab, Qarax saaka ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili amaanka guud ee magaalada uu bilihii danbe  ahaa mid aad u wanaagsan.

Source Xuquuqda masawirada waxaa iska leh Radio Gaalkacyo

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online