Qoraa Jaamac Cumar Ciise Aw-Jaamac oo ku geeriyooday dalka Jabuuti
January 6, 2014 - Written by EditorAllaha u naxariistee waxaa ku geeriyooday dalka Jabuuti qoraa Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Jaamac Cumar Ciise oo si weyn looga yaqaanay gudaha dalka Soomaaliya iyo dibadiisa. Allaha u naraxiistee Qoraa Jaamac Cumar Ciise Aw-Jaamac ayaa waxaa uu ahaa Qoraa iyo Taariikh-yahan waxaan uu qoray buuggaag badan oo uu ku qoray luqada Soomaaliga waxaan ugu caansan buug la yiraahdo Taariikhdii Daraawiishta , Allaha u naxariistee Qoraa Jaamac Cumar Ciise Aw-Jaamac ayaa sanadihii danbe waxaa uu deganaa dalka Jabuuti.
Dhamaan Ehelada Qoraa Jaamac Cumar Ciise Aw-Jaamac iyo bulshada Soomaali yeed ayaan uga tacsiyeynaynaa geerida ku timid Qoraa Jaamac Cumar Ciise Aw- Jaamac waxaan Alle uga baryeynaa in janadii firdowso ka waraabiyey qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Maamulka iyo wariyaasha shabakadda Halgan.net, waxay tacsi u dirayaan dhammaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Qoraa Aw Jaamac, isagana waan alle uga baryeynaa mar labaad in uu u naxariisto aaaaaaaaamin.
Maamulka Halgan.net