R.W DFS oo furay kulan howleed Golaha Wasiirada uga arrinsanayaan qorshaha 2014

January 26, 2014 - Written by Editor

4Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta furay kulan howleed labo cisho socon doona kaasoo Golaha Wasiirada ee Xukuumada si gaar ah uga wadatashan doonaan howlaha baaxada leh ee horyaala iyo sidii loogu fulin lahaa muhiimadaha ay kala leeyihiin, gaar ahaana qorshaha sanadka 2014-ka.

Cinwaanka kulanka ayaa ahaa “Hannaankii lagu shaqeyn lahaa, laguna gaari lahaa Soomaaliya oo nabad ah, is’aamintay, barwaaqo ah, dawladnimo wanaagna gaartay una adeegta danaha dadweynahaeeda”

Kulankan oo ka dhacay dhismaha Villa Hargeysa ayaa waxaa ka soo qeybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo kuxigeenkiisa, waxaana kulankan hadalo dardaaran iyo dhiiragelin ah ka jeediyay madaxda dawladda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada oo ugu horeyntii madasha ka hadlay ayaa xusay in kulankani uu muhiimad gaar ah u leeyahay howlqabadka xukuumada, wuxuuna xusay inay diirada ku saari doonaan arrimaha ku aadan sugida amniga iyo xasilinta dalka, kobcinta dhaqaalaha, horumarinta adeegyadda daweynaha tuulo, gobol illaa degmo, iyo gaarsiinta dalka ee doorashooyin xor ah.

Sidoo kale, guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa kula dardaarmay xubnaha golaha Wasiiradu inay wada shaqeyn dhow la yeeshaan golaha baarlamaanka si loo helo kalsooni dhex marta goleyaasha Fulinta iyo sharcidejinta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka codsaday Golaha Wasiirada inay la yimaadaan howlkarnimo, daacadnimo iyo wada shaqeyn dhexdooda ah. Isaga oo aad ugu dheeraaday howlaha baaxada leh ee hor yaala, gaar ahaana qabyo-tirka Dastuurka, abuurida guddiyada, Federaaleynta, iyo gaarsiinta dalka doorasho ku dhacda codeyn dadweynaha ee sanadka 2016-ka.

Ugu dambeyntiina, Afhayeenka Xukuumada Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in kulankan la soo afmeeri doono maalinta berri ah isla markaana uu yahay kulan muhiimad gaar ah u leh xubnaha golaha wasiirada ee cusub, maadaama ay isla qaabeyn doonaan howhalaha baaxada leh ee horyaala iyo sida ay u kala mudan yihiin in loo fuliyo, waxaana si gaar ah goluhu diirada saari doonaan sidii dadweynaha loo gaarsiin lahaa adeegyada aas aasiga ah ee lagama maarmaanka  u ah nolosha bani’aadamka, sida caafimaadka, waxbarashada.

Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online