Ra’iisul Wasaaraha DFS oo la kulmay safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya

January 15, 2014 - Written by Editor

Cabdiweli-Sheekh-iyo-Neil-WiganMuqdisho, January 15, 2014——Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta kulankiisii ugu horeeyay la qaatay Safiirka dalka Britain u fadhiya dalka Soomaaliya Weil Nigan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay safiirka Britain taageerada xoogan ee dawladdiisu ay la garab taagan tahay dalka Soomaaliya.

Danjire Wigan ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya magacaabistiisii, waxaana uu la wadaagay fariin ka timid Ra’iiusl Wasaaraha Britain David Cameron taasoo aheyd in Britain ay ka go’antahay taageeradda dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirku waxa ay ka wada hadleen taageerada dawladda Britain ee dhinacyada Amniga iyo mashaariicda horumarineed, iyo sidoo kale howlaha waaweyn ee hor yaala xukuumada cusub, waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorashooyin xor ah sanadka 2016-ka.

“Xiriirka u dhaxeeya dawladdaha Soomaaliya iyo Britain waa mid taariikhi ah oo sal adag, waxaan dawladda Britain uga mahadcelinayaa taageeradeeda xoogan iyo shirarkii caalamiga ahaa ee ay u qabatay Soomaalida, uguna soo jeedisay indhaha beesha caalamka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Gabagabadii Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa tayeynta hay’addaha amniga, tayeynta hay’addaha dawladda sida wasaaraddaha iyo weliba gaarsiinta mashaariicda horumarineed ee dhamaamba gobolada dalka Soomaaliya.

–Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online