Saraakiisha Ciidanka amniga gobolka Mudug oo digniin u diray Universal TV.
January 15, 2014 - Written by EditorGaalkacyo:-Saraakiisha ciidanka amaanka gobolka Mudug ayaa eedeyn u jeediyey Tv-ga Universal iyagoo ku eedeeyey in uu ka faafiyey Waqooyiga magaalada Gaalkacyo in lagu dilay nin ganacsade ah arrinkaas oo ahaa mid aan sal lahayn.
Taliska Qaybata Booliska Gobolka Mudug Cabdulaahi Shire Dool oo lahadlay saxaafadda ayaa sheegay in Tv-ga Universal TV marar badan uu faafiyey warar been abuur ah oo wax u dhimi kara amniga Waqooyiga Gaalakacyo ee Puntland sidda in uu sheegay dad la dilay oo waxba aan ka jirin.
Taliska Qaybata Booliska Gobolka Mudug Cabdulaahi Shire Dool ayaa uga digay howl wadeemada Tv-ga Universal TV in ay sii joogteeyaan warar been abuurka ah oo ay ka faafinayaan Waqooyiga magaalada Gaalkacyo iyagoo wararkaas aan ka soo xigan laamaha amniga ee ciidanka Puntland.
Taliska Qaybata Booliska Gobolka Mudug Cabdulaahi Shire Dool ayaa ugu goodiyey haddii aysan ka waan toobin Tv-ga Universal TV wararka been abuurka ah oo ay ka faafinayaan Waqooyiga Gaalkacyo in Tv-ga Universal TV shaqadiisa laga joojin doono degaanada Puntland oo dhan.
Digniinta Taliska Qaybata Booliska Gobolka Mudug Cabdulaahi Shire Dool ayaa ku soo beegmaysa xili amaanka Waqooyiga Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug uu aad u wanaagsan yahay bilihii la soo dhaafay.
M_M_Deeq
Halgan.net