Saraakiisha Ciidanka amniga gobolka Mudug oo digniin u diray Universal TV.

January 15, 2014 - Written by Editor

universaltv-logoGaalkacyo:-Saraakiisha ciidanka amaanka gobolka Mudug ayaa eedeyn u jeediyey Tv-ga Universal iyagoo ku eedeeyey in uu ka faafiyey Waqooyiga magaalada Gaalkacyo in lagu dilay nin ganacsade ah arrinkaas oo ahaa mid aan sal lahayn.

Taliska Qaybata Booliska Gobolka Mudug Cabdulaahi Shire Dool oo lahadlay saxaafadda ayaa sheegay in Tv-ga Universal TV marar badan uu faafiyey warar been abuur ah oo wax u dhimi kara amniga Waqooyiga Gaalakacyo ee Puntland sidda in uu sheegay dad la dilay oo waxba aan ka jirin.

Taliska Qaybata Booliska Gobolka Mudug Cabdulaahi Shire Dool ayaa uga digay howl wadeemada  Tv-ga Universal TV in ay sii joogteeyaan warar been abuurka ah oo ay ka faafinayaan Waqooyiga magaalada Gaalkacyo iyagoo wararkaas aan ka soo xigan laamaha amniga ee ciidanka Puntland.

Taliska Qaybata Booliska Gobolka Mudug Cabdulaahi Shire Dool ayaa ugu goodiyey haddii aysan ka waan toobin Tv-ga Universal TV wararka been abuurka ah oo ay ka faafinayaan Waqooyiga Gaalkacyo in Tv-ga Universal TV shaqadiisa laga joojin doono degaanada Puntland oo dhan.

Digniinta Taliska Qaybata Booliska Gobolka Mudug Cabdulaahi Shire Dool  ayaa ku soo beegmaysa xili amaanka Waqooyiga Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug uu aad u wanaagsan yahay bilihii la soo dhaafay.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online