Sh.Maxamed Cabdi Cumar(Umal) oo booqasho dacwo ku tegay dalka Qatar.[Masawiro]

January 27, 2014 - Written by Editor

4Qatar:-Daaciga Soomaaliyeed ee sidda weyn looga yaqaan gudaha iyo dalka dibidiisa Sheekh Muxammad Cabdi Cumar (Umal)  ayaa maalmahan safar- dacwo ku joogay wadanka Qatar. Sheekha ayaa soo jeediyey maalmihii khamiista, jimcaha iyo sabtida ee bishan 23-25/14 muxaadarooyin kala duwan oo taabanaya noolasha jaaliyada sida muragada, walwalka  iyo waxyaabaha keeno, iyo sida looga hortagi karo, Cudurkan oo kamid ah cudurada looyaqaan Amraadh Al- casri (cudurada casrigan) ee aafeeyey ummada badan guud ahaan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed oo aad ugu badan yahay asbaabaha keeno.

Sheekha ayaa tibaaxay in hamiga iyo muragada asalkeedu yahay iimaanka oo yaraada, dambi iyo macsiyada oo qofka kubadata oo uusan katowbadkeenin“ Wax horay udhacay oo  aadan soo celinkarin oo aad katiiraanyoota iyo wax soo socda oo Allah qadaray inay dhacaan  oo aad kasii walwasho, waa asbaabaha ugu badan ee cudurkaan keeno.

Daawadeeduna waa inuu qofku isu dhiibo Qadarta Allah, kuna kalsoon yahay xukunkiisa” Isagoo weliba intaas raaciyey inay dadku daryeel siiyaan  qalbigooda waxa ka  buuxa  silamid ah sida ay jirkooda ugu fikirayaan. “Qalbi shirki, bidco, xaasidnimo, qabiil iyo macsiyada Allah kabuuxa kuma badbaadinayo aakhiro iyo aduun midna”

Goor uu dadka  kalahadlayey sida looga samatabixi karo fitanta maanta kataagan Soomaliya iyo sida lagu garankaro qolada saxda ah ee aad kutiirsan kartid: Biyo sacabkaada ayaa looga dhargaa. Cilmi ku badbaadiyo haddii aadan baran, waxaa hadba meel kuu jiidanaya wadaad ama koox wareersan. Ka dibna waxaad leedahay “Waxaan nahay duul wadaado waaleen”

Dadweyne aad ufara badan ayaa isugu yimid kulamadan ,oo ka dhacday Qaacada muxaadaraadka ee markazka sheekh Abdulla Bin Zaid(Fanar), kuwaas oo xanbaar san su’aalo kala gadisan.

Waxaa  sidoo kale nasiib wanaag lasoo kulmay kulankan culimo Soomaaliyeed oo safar ku  yimid dalka Qatar, oo uu kamid yahay  sheekha caanka ah Sheekh Yuusuf Aadam oo kalmad ka jeediyey gabagabadii  kulamadaas, isagoo dhankiisa balan qaaday inuu soo jeedin doona muxaadaro kusaabsan walaaltinimada iyo waxwada qabsiga, kahor intaanu dib ugu laaban magaalada Hargesa oo uu kamid yahay culumada utaagan hagida iyo hanuuninta shacabka.

Waxaa xusid mudan in bilihii  lasoodhaafay culumo badan soo booqanayeen jaaliyada wadanka Qatar, arintaas oo  qeyb ka ah dardargalinta dowrka dacwada jaaliyada oo hoos u dhacay duruuf ukhaas ah wadamada khaliijka awgood.

no images were found

Wasaarada arrimaha diinta ee wadanka Qatar ayaa had iyo jeer ku howlan baraarujinta jaaliyadaha ku nool wadanka, carab iyo cajam, ayadoo u ogolaatay inay casuumaan  culimadooda, oo dhan  una daabacda kutub kuqoran  luuqadahooda kaladuwan.

Aadam Abdi Abuzuhri,

Doha, Qatar abuzuhri1@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online