Sheekh Musafe Xaji Ismaaciil oo caawa muxaadaro ka jeediyey Masjidka Abu Bakar(Cod/Masawiro)
January 2, 2014 - Written by EditorNairobi:-Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil oo maanta soo gaaray magaalada Nairobi, ayaa waxaa uu isla caawa muxaadaro ku qabtay masaajidka Abuu Bakar ee xaafadda Islii, waxaana muxaadarada Sheekha soo xaadiray dhowr kun oo qof, kuwaasoo goor hore sii buuxiyey qeybaha hore ee masaajidka.
Sheekha, ayaa ka hadlayey mustaqbalka umadda Muslimka guud ahaan, gaar ahaanna kan umadda Soomaaliyeed, wuxuuna ugu horreyn ka sheekeeyey waaqica maanta ka jira caalamka iyo waxyaabaha dalalka reer galbeedka u sahlay iney adduunka maamulaan, kuwaasoo uu ku sheegay afar arrimood oo kala ah:-
1-Iney haystaan hubka adduunka ugu casrisan iyo warshadaha sameeya
2-Iney haystaan ilaha dhaqaalaha adduunka
3-Iney haystaan sharciyadda dowladnimo ee adduunka ee qaramada midoobay
4-Iney haystaan awood aqooneed oo ay adduunka ku maamulaan
Markii uu Sheekhu afartaas arrimood si fiican u faah faahiyey, ayuu wuxuu ka sheekeeyey waaqica ay dalalka muslimiinta ah ku sugan yihiin, isagoona dadka muslimka ah u kala qaaday saddex qeybood oo kala ah:-
1-Koox quusatay oo ka dibna aamintay in aan waxba la qaban karin
2-Koox aan la soconin waaqica oo riyo maalmeed ku jirta
3-Koox aaminsan in wax la qaban karo kana shaqeyneysa isbeddel
Sheekha, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhiso umadda, haddii taas lagu guuleystana ay fududdahay in dowlad la dhiso, wuxuuna ka digay in koox yar ayan umadda khasbi karin ee loo baahan yahay in dadka la toosiyo.
no images were found
Hoos ka Dhagayso Muxaadaradii Sheekh Musfate Xaaji Ismail
Halgan.net/Somalireal
Nairobi