Sheekh Musafe Xaji Ismaaciil oo caawa muxaadaro ka jeediyey Masjidka Abu Bakar(Cod/Masawiro)

January 2, 2014 - Written by Editor

shmustafeNairobi:-Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil  oo maanta soo gaaray magaalada Nairobi, ayaa waxaa uu isla caawa muxaadaro ku qabtay masaajidka Abuu Bakar ee xaafadda Islii, waxaana muxaadarada Sheekha soo xaadiray dhowr kun oo qof, kuwaasoo goor hore sii buuxiyey qeybaha hore ee masaajidka.

Sheekha, ayaa ka hadlayey mustaqbalka umadda Muslimka guud ahaan, gaar ahaanna kan umadda Soomaaliyeed, wuxuuna ugu horreyn ka sheekeeyey waaqica maanta ka jira caalamka iyo waxyaabaha dalalka reer galbeedka u sahlay iney adduunka maamulaan, kuwaasoo uu ku sheegay afar arrimood oo kala ah:-

1-Iney haystaan hubka adduunka ugu casrisan iyo warshadaha sameeya

2-Iney haystaan ilaha dhaqaalaha adduunka

3-Iney haystaan sharciyadda dowladnimo ee adduunka ee qaramada midoobay

4-Iney haystaan awood aqooneed oo ay adduunka ku maamulaan

Markii uu Sheekhu afartaas arrimood si fiican u faah faahiyey, ayuu wuxuu ka sheekeeyey waaqica ay dalalka muslimiinta ah ku sugan yihiin, isagoona dadka muslimka ah u kala qaaday saddex qeybood oo kala ah:-

1-Koox quusatay oo ka dibna aamintay in aan waxba la qaban karin

2-Koox aan la soconin waaqica oo riyo maalmeed ku jirta

3-Koox aaminsan in wax la qaban karo kana shaqeyneysa isbeddel

Sheekha, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhiso umadda, haddii taas lagu guuleystana ay fududdahay in dowlad la dhiso, wuxuuna ka digay in koox yar ayan umadda khasbi karin ee loo baahan yahay in dadka la toosiyo.

no images were found

Hoos ka Dhagayso Muxaadaradii Sheekh Musfate Xaaji Ismail

Halgan.net/Somalireal
Nairobi

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online